Saxafiga Weyn Ee Fabrizio Romano Oo Jawaab Cad Ka Bixiyay Warka Sheegaya In Messi Ku Biirayo Inter Miami

Saxafiga weyn ee ree Talyaani ee Fabrizio Romano ayaa ka hadlay warka xalay soo baxay ee ah inuu weeraryahanka PSG ee Lionel Messi ku wajahan yahay kooxda Inter Miami.

Heshiiska uu Messi kula joogo Paris ayaa ah mid ku eeg oo dhammaanaya dhammaadka xilli ciyaareedkan taas oo sababtay in lala xidhiidhiyo kooxdiisii hore ee Barcelona, kooxaha horyaalka Maraykanka iyo inuu heshiis kordhin u sameeyo PSG intaba,

Iyadoo haatan Leo uu ku mashquulsan yahay koobka aduunka oo uu dalkiisa Argentina ku metelayo ayuu wargeyska The Times xalay kasoo yeedhay war weyni.

The Times ayaa sheegay in Messi uu qarka u saaran yahay heshiis xor ah oo uu kooxda David Beckham ee Inter Miami kaga dego xagaaga dambe ee 2023.

Intaas kaddib Fabrizio Romano oo warkaas xog ka dhiibay ayaa sheegay inuusan jirin gabi ahaanba wax go’aan ah oo uu Messi gaadhay oo uu diirada saarayo koobka aduunka.

Romano ayaa sheegaya in Inter Miami saxeexa Messi isku dayi doonto balse sidoo kale ay Paris usoo bandhigi doonto heshiis cusub oo uu ciyaaryahanku go’aankiisa gaadhi doono 2023.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*