SAWIRRO: Wixii Uu Sameeyey Gabriel Jesus Oo Tijaabada Caafimaadka Ku Maraya London

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa ku sugan magaalada London oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayo Arsenal, kaddib markii ay £45 milyan oo Gini kaga soo iibsadeen Arsenal.

Arsenal ayaa mar hore heshiis la gaadhay Gabriel Jesus, sidoo kalena waxay qiimaha mar horeba isla meel dhigeen Manchester City, waxaana haddala sugayaa kaliya  in la shaaciyo heshiiska.

25 jirkan ayaa maanta gaadhay magaalada London oo uu tijaabada caafimaadka ku marayo ka hor inta aanay Arsenal si buuxda ugu soo bandhigin warbaahinta, waxaanu qalinka  ku duugi doonaa heshiis  shan sannadood ah oo uu kaga ciyaari doono Emirates Stadium.

Xiddiga Brazil ayaa markii uu soo gaadhay London, waxa ay si toos ah u kulmeen Edu oo ay bannaanka cusbitaalka uu baadhitaanka caafimaad ku marayo ay isku arkeen. Isla markii uu kasoo degay baabuur midabkiisa madow yahay oo lagu soo qaaday,  Jesus ayaa  xabbadka geliyey Edu oo ay isku reer Brazil yihiin laakiin hadda ah agaasimaha farsamada ee Arsenal.

Jesus ayaa noqonaya saxeexii afraad ee Arsenal ay samayso saxaagan, waxaana ka horreeyey Marquinhos, Fabio, Vieira iyo Matt Turner.

Waxa uu beddeli doonaa Alexandre Lacazette oo si xor ah ugu wareegay Arsenal, isaga oo dhinaca kalena soo afjaraya  shan sannadood oo uu usoo ciyaaray Manchester City oo uu u saftay 236 kulan oo dhamaan tartamada ah oo uu u dhaliyey 95 gool.

Sannadkii 2017 ayay Manchester City £27 milyan oo Gini kusoo iibsatay Gabriel Jesus, haddana waxay ku fasaxeen £45 milyan oo Gini.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*