Sawirkii Eden Hazard Laga Qabtay Xalay Oo Baraha Bulshada Ruxay & Fariinta Adag Ee Ay Jamaahiirta Chelsea Direen

Eden Hazard ayaa muujiyay dareen aad u naxdin badan intii lagu jiray dabaaldegii Real Madrid ee guushii Spanish Super Cup oo ay 2-0 kaga qaadeen kooxda Athletic Bilbao ciyaar ka dhacday Riyadh, Saudi Arabia.

Goolal ka yimid Luka Modric iyo Karim Benzema ayaa u sahlay Los Blancos inay koobkii koowaad xilli ciyaareedkan kula guuleystaan tababare Carlo Ancelotti.

Intii dabaaldegu socday ayaa la arkayay inaysan wax farxad iyo dhoola-caddeyn ahi ka muuqan Hazard oo bedel aan la isticmaalin ka ahaa kulankii ka dhacay Fahd International Stadium.

Jamaahiirta kooxda Chelsea oo falcelin deg-deg ah sameeyay kaddib markii ay sawiradaas arkeen xalay ayaa ka codsaday kooxdooda inay dib ugu soo celiso Stamford Bridge.

Hazard ayaa sanadkii 2019 Los Blancos u wareegay balse ahaa mid ku fashilmay kooxdaas isaga oo dhibane usoo ahaa qaab ciyaareed aan joogto ahayn iyo dhaawacyo xidhiidh ah.

Hazard ayaa xilli ciyaareedkan 16 kulan kasoo qayb qaatay isaga oo badi bedel kusoo galayay isla markaana aan wali wax gool ama caawin ah samaynin.

 

Hazard couldn't bring himself to celebrate his side's win

Real Madrid forward Eden Hazard failed to smile as the club celebrated their Spanish Super Cup success

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*