Chelsea ayaa guul-darro xanuun badan kala soo kulantay Manchester City oo ay ugu tagtay Etihad Stadium, waxaana lagaga soo badiyey 1-0 iyadoo ay hadda gabaabsi noqotay rajadoodii ahayd inay ku tartamaan horyaalka.
Man City ayay guushani siisay inay 13 dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka, hase yeeshee Liverpool ayay laba ciyaarood baaqi u yihiin oo haddii ay wada guuleysato soo gaaban karaysa farqiga dhibcaha ee City ay ka horreyso.
Afartii qalad ee uu Thomas Tuchel sameeyey
1. Lukaku iyo Ziyech oo uu iska garab ciyaaray
Tababare Thomas Tuchel waxa uu qaladku sameeyey in uu iska garab ciyaarsiiyo Hakim Ziyech iyo Romelu Lukaku. Labada ciyaartoy ayaan marnaba muujin is-faham, waxaanay ahaayeen kuwo aan xataa isla socon oo uu midba dhinac u ordayo. Laacibka reer Morocco waxa uu ahaa mid aan haadba haysanin, waxaanay ahayd inuu waqti hore garoonka ka baxo.
Iyadoo ay kursiga kaydka ku jiraan Mason Mount, Timo Werner iyo Kai Havertz oo si walba uga saamayn badnaan lahaa ayaa uu Ziyech illaa waqti dambe kusoo gaadhay garoonka.
2. Khalkhal gudaha ah
Ciyaartoyda Chelsea ayaa khalkhalayay marka ay Manchester City kusoo qaaddo weerarka, waxaana difaaca laga dareemayay inay ka walaacsan yihiin cadaadiska kaga imanaya ciyaartoyda weerarka ee Manchester City.
3. Lukaku oo la iska indho tirayay in kubadda lagu siiyo xerada ganaaxa
Thomas Tuchel ayay ahayd inuu ciyaartoydiisa ku cadaadiyo inay ku dedaalaan, in kubadda ay ku tuuraan xerada ganaaxa si ay Lukaku ugu geeyaan kubadda, laakiin taasi madhicin. Weeraryahanka reer Belgium ayaa halkii uu afka hore taagnaan lahaa waxa uu ku qasbanaaday inuu dib usoo noqdo oo uu kubbad-sameeye isku rogo.
Fursaddii ugu fiicnayd ee Chelsea ay heshay waxa abuuray Lukaku oo khadka dhexe kubadda ka jiiday.
Xiddigii garoonka
Kevin de Bruyne oo goolka guusha u dhaliyey Manchester City ayaa bandhig fiican oo kalena ka sameeyey garoonka, waxaana uu noqday ciyaartoygii ugu wanaagsanaa guud ahaan garoonka. Qiimayn darajadeedu tahay 9 ayuu helay De Bruyne, halka laacibka ugu soo xigay uu ka lahaa qiimayn darajadeedu 7 tahay.
Qiimayntii guud ee ciyaartoyda labada kooxood
Man City: Ederson (7), Walker (7), Laporte (7), Stones (6), Cancelo (7), Rodri (7), De Bruyne (9), Silva (7), Grealish (6), Foden (7), Sterling (7).
Beddelka: Gundogan (N/A), Gabriel Jesus (N/A)
Chelsea: Kepa (7), Rudiger (7), Silva (7), Sarr (6), Azpilicueta (6), Alonso (5), Kovacic (5), Kante (7), Pulisic (5), Ziyech (5), Lukaku (5).
Beddelka: Werner (6), Hudson-Odoi (6), Mount (N/A)
Be the first to comment