Saddexda Xiddig Ee Chelsea Ka Doonayso City, Daafaca Cusub Ee Man United & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Southampton ayaa ku biirtay tiro kooxo ah oo xiisaynaya khadka dhexe ee Burnley ee Josh Brownhill. (90 Min)

Manchester City ayaa Bayern Leverkusen £10 Milyan kaga iibinaysa da’yarkeeda Sam Edozie. (Football Insider)

Chelsea ayaa ku dhaw inay Leeds United kula heshiiso 55 Milyan oo pound heshiis ay Raphinha kagala wareegayso xilli uu xiddigaasi hore xiiso uga helayay Arsenal iyo Barcelona. (Guardian)

Daafaca bidix ee Tyrell Malacia oo Feyenoord ka tirsan ayaa doortay Man United oo xilli dambe tartankiisa soo gashay xilli uu aad ugu dhawaa Lyon. (Sportskeeda)

Chelsea ayaa dareenkeeda u jeedisay daafaca dhexe ee Inter Milan ee Milan Skriniar oo ay sidoo kale PSG doonayso kaddib markii ay Juventus iibka Matthijs De Ligt ku dalbatay 102 Milyan oo pound oo ah qiimaha qandaraaskiisa ku xidhan. (Mail)

PSG ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay dhammaan saddexda xiddig ee kala ah Renato Sanches, Skriniar iyo weeraryahanka Sassuolo ee Gianluca Scamacca, haatan waa inay la heshiiyaan kooxahooda. (Get French Football News)

Chelsea ayaa kaddib Raheem Sterling iyo Nathan Ake xiddigii saddexaad ka doonaysa Man City waana daafaca bidix ee Zinchenko. (Mail)

Manchester United tababaraheeda Erik Ten Hag ayaa rajaynaya in saxeexa Frankie De Jong oo Barcelona kaga imanayaa uu sidoo kale kooxda ku qancin doono Christian Eriksen oo Brentford ka qayb ah, (Star)

Tottenham ayaa kor u qaaday xiisaheeda xiddiga Everton ee Richarlison balse dalab ahaa 20 Milyan oo pound oo lagu daray Steven Bergwijn ayaa laga soo diiday. (Telegraph – subscription required)

Tottenham ayaa diyaar u ah inay 100 Milyan oo pound Everton kaga soo wada qaadato Richarlsion iyo Anthony Gordon. (Sun)

Middlesbrough ayaa ka cadhaysan in Tottenham hakisay heshiiska ay kaga doonaysay daafaca midig ee Djed Spence taas ayaana albaabada u furaysa in xiddigaas si rasmi ah ula wareegto Nottingham oo uu xilli ciyaareedkii hore amaah kula joogay. (Football League World)

Crystal Palace ayaa ku dhaw inay kooxda Lens kala wareegto khadka dhexe ee Cheick Doucoure oo ay 18 Milyan oo pound oo gunnooyin lagu daray kula soo wareegto. (Guardian)

Fulham ayaa ogolaansho loo siiyay inay la hadasho khadka dhexe ee Andreas Pereira kaddib markii ay heshiis la gaadhay Man United.(90 Min)

Fulham ayaa sidoo kooxda Wolfsburg kala hadashay heshiis 8 Milyan oo pound ah oo ay kaga doonayso daafaca midig ee Kevin Mbabu. (Mail)

City goolhayaheeda ree Maraykan ee Zack Steffen ayaa la filayaa inuu amaah ugu biiro Middlesbrough. (ESPN)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*