Saddexda Shaxood Ee Manchester United Ku Ciyaari Doonto Haddii Ay La Saxeexdaan Casemiro

Manchester United ayaa la xidhiidhay kooxda reer Spain ee Real Madrid oo ay ka doonayso kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Casemiro, kaas oo uu tababare Erik ten Hag doonayo inuu ku xalliyo dhibaatada Man United ka haysata khadka dhexe ee sababtay in si fudud goolal looga dhaliyo.

Manchester United ayaa  la sheegay inay 50 milyan oo Gini dul-dhigtay Casemiro oo ay da’diisu tahay 30 jir, isla  markaana heshiis soconaya illaa sannadka 2025 kula jira Real Madrid. Waxay Man United u jeedsatay dhinaca Casemiro markii ay ku daaleen raadinta Frenkie de Jong oo Barcelona ah.

Masuuliyiin ka socda Manchester United ayaa u duulay Spain, waxaanay dedaalkooda ka samaynayaan afar jiho oo kala duwan. Midka  hore ayay kula kulmayaan Real Madrid, midka labaadna waa Casemiro oo ay u ballanqaadi doonaan lacago badan oo mushahar ah. Labada dedaal ee kale ayaa ah Joao Felix oo ay isagana wada-hadallo la bilaabeen iyo Atletico Madrid oo ay isku dayi doonaan inay ku qanciyaan inay ka iibiyaan weeraryahanka reer Portugal.

Red Devils ayaa dhinaca Casemiro u ruqaansatay markii ay laba maalmood ka  hor joojisay wada-hadallo ay kula jirtay Adrien Rabiot oo dalbaday lacago badan oo mushahar ah iyadoo marka horena aanu tababare Erik ten Hag kalsooni badan ku qabin laacibkan oo ay Juventus doonayso inay iska dirto.

Casemiro oo laf-dhabar u ah Real Madrid, ayaa haddii ay hesho Manchester United waxa uu ka xallin doonaa dhibaatada khadka dhexe ee kubbad-burburinta, booskaas oo ay ku fashilmeen Fred iyo McTominay kaddib markii ay ka tageen Paul Pogba iyo Nemanja Matic.

Shaddex shaxood oo kala duwan ayuu Erik ten Hag ku ciyaarsiin doonaa kooxdiisa haddii ay ku guuleystaan saxeexa Casemiro, waxaanay kala yihiin:

4-3-3

United ayaa xilli ciyaareedka ku bilaabatay qaab ah 4-4-4, iyadoo Fred iyo McTominay ay khadka dhexe kala ciyaarayeen Bruno Fernandes, hase yeeshee isbeddel ayaa ku iman doona xulashada saddexdan ciyaartoy haddii uu Casemiro yimaaddo.

Laacibka reer Brazil ayaanay cidina ku qabsan doonin booska No.6 oo kalidii looga tegi doono, waxaana uu Erik ten Hag awood u heli doonaa inuu ciyaartoydiisa kale ee khadka dhexe ka dhigo hal-abuureyaal weerarka caawiya, maadaama uu Casemiro ku filan yahay inuu shaqadiisa qabsado.

Fred ayaa se ka garab ciyaari kara, sida xulka qaranka Brazil ba ay iskaga garab ciyaaraan, waxaanay taasi fursad u buuxda u siinaysaa Fernandes in isaga oo aan ka  walwalayn khadka dambe uu hore u socdo oo uu weerarka caawiyo, isaga oo ka ciyaaraya booska No.10.

4-2-3-1

Casemiro ayaa sidoo kale ku raaxaysta shaxda qaabkeedu yahay 4-2-3-1, waxaana uu marar badan kooxdiisa Real Madrid sabab ugu noqday inay guulo gaadhaan. In lala wadaago khadka dambe oo Fred ama McTominay uu ka garab ciyaaro wax dhibaato ah uma arko Casemiro.

Tuchel ayaa iska garab ciyaarsiin kara labada laacib ee isku dalka ah ee Casemiro iyo Fred, sidoo kalena waxa uu hore u diri karaa Bruno Fernandes oo dhinacyada ay ka xigayaan Marcus Rashford iyo Jadon Sancho, halka Cristiano Ronaldo uu noqonayo weerar afka hore kali ku ah.

4-1-4-1

Inkasta oo United ay tahay koox geesi ah oo ku dhiirran karta inay ku ciyaarto shaxda 4-1-4-1, haddana waqtigan uma habboona sababtoo ah ma jiro ciyaartoy kaliya oo lagu aamini karayo inuu difaaca la waardiyeeyo goolka. Balse haddii Casemiro yimaaddo, waxa uu awood u leeyahay in uu kalidii difaaca la ilaaliyo goolka.

 

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*