Tottenham weeraryahankeeda Richarlison ayaa Kylian Mbappe iyo Goncalo Ramos oo Benfica ka tirsan kula biiray liiska xiddigaha ay Real Madrid bedelka Karim Benzema u doonayso. (Mundo Deportivo – in Spanish)
Juventus ayaa Richarlison u doonaysa bedelka Dusan Vlahovic oo la filayo inuu kooxda xagaaga ka tago. (Calciomercato – in Italian)
Mbappe ayaa xidhidh la sameeyay Real Madrid isaga oo u sheegay inuu ka qoomamaynayo heshiis kordhintiisii PSG kana codsaday inay la saxeexdaan. (Marca)
Real Madrid ayaa wali doonaysa Mbappe balse rajaynaysa inay xor kula saxeexan karto xagaaga 2024. (AS – in Spanish)
Tottenham ayaa la filayaa inay Harry Kane ku darto ka qayb qaadashada go’aamada muhiimka u ah mustaqbalka kooxda maadaama ay heshiis cusub ka doonayso. (90min)
Weeraryahanka Liverpool ka tagaya ee Roberto Firmino ayaa saxeexiisa u bandhigay Barcelona. (Onefootball, via Sport)
Manchester City khadkeeda dhexe ee Ilkay Gundogan ayaa ah dookha ugu macquulsan ee Barcelona bilaash ku heli karto xilli ay iska xoojinayso khadka dhexe. (Sport – in Spanish)
Thomas Tuchel kama fikiri doono inuu Antonio Conte ka bedelo Tottenham ilaa ay kooxdu Champions League usoo baxdo. (Football Insider)
Inter Milan ayaa ka fikiraysa inay markale magacawdo Conte xilli ay isku diyaarinayso caydhinta tababare Simone Inzaghi. (Football Insider)
Conte ayaa ka tagi kara Tottenhm dhammaadka xilli ciyaareedkan si uu Roma uga bedelo Jose Mourinho. (Football Italia)
Milan Skriniar ayaa go’aansaday inuu xor kaga tago Inter Milan xagaaga bilaashna ugu biiro PSG. (Fabrizio Romano)
PSG ayaa 80 Milyan oo euro u haysata suuqa xagaaga waxayna isku dayi doontaa inay iibiso Neymar oo bilaash ku fasaxdo Messi si ay firaaqo ugu banayso saxeexyada cusub. (Goal)
Inter Miami iyo horyaalka Maraykanka ayaa waxkasta u samaynaya si ay Lionel Messi ula saxeexdaan. (L’Equipe – in French)
Brentford ma iibin doonto goolhaye David Raya xagaaga hadii aysan dalab fiican u helin waxayna diyaar u yihiin inay 2024 bilaash ku fasaxaan. (90min)
Nottingham Forest ayaa markale saxeexyo badan xagaaga samayn karta iyadoo tababare Cooper 100 Milyan oo pound la siinayo haddii ay Premier League ku negaadaan. (Football Insider)
Arsenal, Liverpool, Manchester United iyo Newcastle ayaa dhammaantood indho indheeyay 19 sano jirka Lille ee Carlos Baleba. (90min)
Chelsea, Manchester United iyo Arsenal ayaa dhammaantood xiisaynaya khadka dhexe ee Southampton ee Romeo Lavia. (Football Insider)
Qoyska Glazer ayaa doonaya inay Man United iibiyaan kahor suuqa xagaaga haddii ay gaadhaan go’aanka ay kooxda ku iibinayaan. (Telegraph – subscription required)
Herve Renard, tababaraha haatan ee xulka Sucuudiga ayaa loo magacaabi karaa macalinka xulka dumarka France. (L’Equipe – in French)
Be the first to comment