SADDEXDA Ciyaartoy Ee Uu Neceb Yahay Zlatan Ibrahimovich Oo La Magacaabay

Weeraryahanka reer Sweden ee Zlatan Ibrahimovich ayaa magacaabay saddexda ciyaartoy ee uu ugu neceb yahay kubadda cagta, kuwaas oo mid ka mid ah ay isku koox ahaayeen oo ay waqti kusoo xafiiltameen gudaha kooxihii ayy u wada ciyaari jireen.

Zlatan Ibrahimovich iyo Edinson Cavani ayaa Paris Saint-Germain ku kala biiray sannnadihii 2012 iyo 2013, waxayse ahaayeen kuwo isku xinniya kubadda oo aan baaska dhiibin sidoo kalena isku qabsaday rikoodheyaasha.

Labada ciyaartoy ayaa lagu kala qabtay garoonka dhexdiisa iyadoo ay tababareyaashuyna ku dhibaatoodeen sidii ay u xallin lahaayeen arrintooda ee ay uga dhigi lahaayeen kuwo is ixtiraama.

107 kulan ayay u wada ciyaareen PSG, waxaanay ku wada guuleysteen saddex horyaalka Ligue 1 ah oo isku xiga iyo tiro kale oo koobab ah oo badan.

Michael Ciani oo Ibrahimovich kala ciyaaray kooxda Maraykanka ee LA Galaxy ayaa xaqiijiyey, in xiddiga reer Sweden uu neceb yahay Cavani oo uu laacibkani ku jiro xiddigaha aanu arki karin Ibrahimvoich.

“Waxa uu ii sheegay Ibrahimovich, in wax walba ay fiicnaayeen oo ay tababare Laurent Blanc isku fiicnaayeen intii uu joogay PSG.” Ayuu Michael Ciani ku bilaabay hadalkiisa, waxaanu ku daray: “Qofka kaliya ee  aanu jeclayn in uu garabkiisa ku arko waxa uu ahaa Cavani.

“Waxa uu ii sheegay inuu neceb yahay saddex ama afar ciyaaartoy oo kaliya… Cavani ayaa ka  mid ahaa. Haddii aad isku dhow dihiin Cavani, Ibra iskuma fiicnaanaysaan. Waa in aad Ibra kasoo horjeedsato ama Cavani, laakiin labadoodaba saaxiib lama ahaan kartid.”

Sannadkii 2016kii ayuu Ibrahimovich ka tegay PSG oo uu u wareegay Manchester City, halka Edinson Cavani uu isaguna afar sannadood kaddib ka tegay kooxda.

Weeraryahanaka reer Uruguay ayaa 301 ciyaarood oo uu u saftay, waxa uu PSG u dhaliyey 200 gool, waana ciyaartoyga ugu goolasha badan taariikhda kooxda reer France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*