Saddex Halbowle Oo Barcelona Ah Oo Ku Sugan Magaalada Paris Oo Ay Ku Go’aaminayaan Mustaqbalkooda

Saddex ciyaartoy oo ka tirsan Barcelona ayaa u duulay magaalda Paris ee waddanka Faransiiska xilli uu furmayo suuqa iibka ciyaartoyda oo ay jiraan xiddigo mar horeba la xaqiijiyey in ay ka tegayaan Camp Nou iyo kuwo kale oo aanu mustaqbalkoodu sugnayn.

Saddex ciyaartoy oo ay xidhiidh dhow leeyihiin Lionel Messi oo ay uga dhamaatay Barcelona ayaa tegay magaalada Paris, waxaanay kula kulmeen Lionel Messi oo lala xidhiidhinayo in uu dib ugu soo laabanayo kooxdiisii hore ee Barcelona.

Sida uu sheegeen wariyeyaasha wargeyska Mundo Deportivo ee Fernando Polo iyo Ferran Martinez, Sergio Busquets iyo Jord Alba oo ka tegaya Barcelona xagaagan, isla markaana ay kooxdu hore u xaqiijisay bixitaankooda ayaa tegay waddanka Faransiiska, waxaana la socday Sergi Roberto oo isagana uu dhamaad yahay heshiiskii sannadka ahaa  ee uu xagaagii hore u saxeexay Barcelona.

Waxay kula kulmeen Paris, saaxiibkoodii hore ee Barcelona  ee Lionel Messi, balse faahfaahin dheeraad ah lagama helin sababta ay u boqodeen Messi waxyar kaddib markii ay go’aansadeen in ay iskga tagana Camp Nou.

Wararka aqaarkood ayaa sheegaya, in Lionel Messi iyo saddexdan ciyaartoyba ay qorshaynayaan in ay ku midoobaan kooxda Sucuudiga ee Al-Hilal oo dalabkii ugu weyna kubadda  cagta u bandhigtay Messi oo sannadkii mushahar u qaadan doona €500 milyan oo Euro haddii uu ogolaado inuu tago Sucuudiga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*