Sababta Keentay Hoos U Dhaca Ku Yimid Bruno Fernandes & Sida Ronaldo Ay Ugu Suurtogashay Inuu Si Fudud U Saldhigo Old Trafford

Halyeyga reer England ee Joe Cole ayaa rumaysan in xiddiga reer Portugal ee Bruno Fernandes uu ku dhibaatoonayo Old Trafford, halka uu amaan kula dul-dhacay Cristiano Ronaldo oo uu sheegay inuu si fiican ula jaan-qaaday kooxda, isla markaana muujinayo inuu shaqadiisa qabsanayo.

Fernandes ayaa bishii hore waxa  uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo uu u saxeexay Manchester United, hase yeeshee taasi ma aanay joojin inay ciyaartiisu sii ahaato mid liidata xilli ciyaareedkan.

Fernandes ayaa 18 bilood oo uu joogay Old Trafford waxa uu ahaa xiddig ka dhax iftiimaya horyaalka Premier League, laakiin xilli ciyaareedkan uma aanu wanaagsanayn sidii midkii hore.

51 ciyaarood oo Premier League ah oo uu saftay ayuu dhaliyey 26 gool, 19 kalena uu caawiye ka noqday, balse xilli ciyaareedkan socda oo uu 43 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah dheelay ayuu sagaal gool oo kaliya saxeexay.

Goolkiisii ugu dambeeyey ee uu u dhaliyo Manchester United waxa laga joogaa muddo laba bilood ah, waxaanay kooxdiisu hadda quus ka taagan tahay inay soo geli karto kaalinta afraad.

Joe Cole oo ka hadlayay sababta uu laacibkani u dhibaatoonayo ayaa yidhi: “Bruno waa nooca ciyaartoyga ee heerka sare ah ee aan ka helo. Waxa uu khatar isku geliyaa kubadda, waxa uu jecel yahay inuu noqdo ciyaartoyga wax kasta sameeya, waana laacib heersare ah oo leh awood iyo farsamooyin fiican.

“Laakiin sababta uu hadda u dhibaatoonayo waa culayska badan ee garbihiisa saaran. Kooxda ayaan shaqaynayn xilli ciyaareedkan, waxaanan dareensanahay in Bruno uu shaqo fiican qabanayo marka ay wax hagaagsan yihiin.”

Intaas kaddib ayuu Cristiano Ronaldo soo qaaday, waxaanu yidhi: “Waqtigan, way iska caddahay wax uu Ronaldo samaynayo. Waxa uu noqday ciyaartoy muhiim u ah kooxda. Waxa uu dhalinayaa goolal, haddii aad goolka hortiisa ka ciyaarsiisana muddo toban sannadood ah ayuu goolasha kuu dhalin karayaa. Waa ciyaartoy cajiib ah oo aanu shaki ku jirin inuu ka mid yahay ciyaaryahannadii ugu wanaagsanaa taariikhda kubadda cagta.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*