Saaxiibkii Cristiano Ronaldo Ee Real Madrid, Kabtankii Diiday Heshiiska Cusub Ee Barcelona Iyo Xiddigaha Ay Al-Hilal La Saxeexanayso Si Ay U Qanciso Lionel Messi

Falanqeeyaha kubadda cagta ee Khalid Al-Shenaif ayaa sheegay in kooxda horyaalka Sucuudi Carabiya ee Al-Hilal ay la saxeexan doonto laba ciyaartoy oo ay saaxiibbo dhow yihiin Lionel Messi oo usoo kala dheelay Real Madrid iyo Barcelona, waxaanay sababtu tahay in ay isku dayayaan in ay ku qanciyaan Messi in uu yimaaddo kooxdooda.

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi ayaa dhowaan shaaciyey in uu ka tegi doono PSG oo qandaraaskii labada sannadood ahaa ee uu la galay uu dhamaad yahay usbuuca dambe, waxaana saxeexiisa raadinaysa kooxdiisii hore ee Barcelona, Inter Miami oo waddanka Maraykanka ah iyo Al-Hilal oo Sucuudiga ka dhisan.

Khalid Al-Shenaif oo ka hadlayay barnaamij uu ku leeyahay SBC, ayaa waxa uu sheegay, in Al-Hilal ay go’aansatay in ay la saxeexato Angel Di Maria oo ay Lionel Messi usoo wada ciyaareen xulka Argentina iyo Lionel Messi isla markaana waqti guulo badan watay kusoo qaatay Real Madrid.

Waxa kale oo ay Al-Hilal la saxeexanaysaa kabtanka Barcelona ee Sergio Busquets oo dhowaan xaqiijiyey in uu soo afjarayo waayihiisa Camp Nou oo ay waqti fiican kusoo wada qaateen Lionel Messi.

Khalid Al-Shenaif waxa uu sheegay in sababta ay Al-Hilal go’aankan u qaadatay ay tahay in ay dhisato koox xiddigo waaweyn ku hubaysan oo Lionel Messi uu ku helayo saaxiibo badan si aanu kalinimo ugu dareemin garoonka dhaxdiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*