SAADAASHA Sky Sports Ee Premier League Toddobaadkan, Isbedelka Weyn Ee Hoggaanka Ku Imanaya & Tartanka Booska Afraad

Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sidii uu caanka ku ahaa sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League isaga oo markan ka aragti dhiibtay wareega 35-aad oo ah mid kulamo xiiso badan laga ciyaarayo.

Aan ku bilawnee Jones ayaa aaminsan in kulanka ugu horreeya toddobaadkan ay Liverpool maanta guul kasoo gaadhi doonto kooxda wacdaraha dhigaysa ee Newcastle United sidaasna kula wareegi doonto hoggaanka.

Jones Knows ayaa toddobaadkan isbedel weyn ka saadaaliyay hoggaanka horyaalka waxaana uu bar-bardhac u rajeeyay Manchester City oo caawa u tagaysa Leeds United isaga oo aaminsan in sidaas Liverpool hoggaanka kula hoyan doonto.

Khabiirka Sky Sports ayaa aaminsan in Chelsea ay berrito xaalada kusii adkayn doonto tababaraheedii hore ee Frank Lampard oo ay guuldarro kusii haysa kaalmaha horyaalka lagaga dhaadhaco kusoo badi doonaan Goodison Park.

Tottenham ayaa kulan muhiim u ah hammigeeda afarta sarre soo dhawaynaysa Leicester City waxaana uu Mr Knows guul u saadaaliyay Spurs iyo macalin Antonio Conte.

Sidoo kale Jones ayaa qaba in Arsenal oo haatan booska afraad fadhidaa ay guul muhiim ah kasoo gaadhi doonto West Ham United oo ay ku booqanayso London Stadium.

Ugu dambayn, Jones ayaa qaba in Manchester United ay toddobaadkan Old Trafford bar-bardhac kale kula geli doonto Brentford.

Saadaasha Jones Knows Ee Premier League Wareega 35-aad Oo Dhammaystiran

Newcastle 0-2 Liverpool

Aston Villa 3-1 Norwich

Southampton 2-2 Crystal Palace

Watford 0-2 Burnley

Wolves 1-0 Brighton

Leeds 1-1 Man City

Everton 0-2 Chelsea

Tottenham 3-1 Leicester City

West Ham 0-1 Arsenal

Man United 2-2 Brentford

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*