SAADAASHA Mark Lawrenson Ee Premier League Toddobaadkan, Kooxaha Uu Dhulka La Jaray & Aragtidiisa Man City v Chelsea Iyo Tottenham v Arsenal

Khabiirka BBC Sport ee Mark Lawrenson ayaa sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League wareega 22-aad ee xilli ciyaareedkan 2021-22.

Kulamada ugu xiisaha badan toddobaadkan ayaa ah midka dhex maraya galabta labada kooxood ee ugu sarreeya ee Manchester City iyo Chelsea iyo ciyaarta habeen dambe dhex mari doonta kooxaha waqooyiga London ee Tottenham iyo Arsenal walow kulankaas la baajin karo.

Aan ku bilawnee ciyaarta galabta ee Sky Blues vs Blues ayuu aaminsan yahay in Pep Guardiola iyo City ay horyaalka 13 dhibcood ku qaban doonaan oo guul ka gaadhi doonaan Thomas Tuchel iyo xiddigihiisa.

Kulanka fiidnimada caawa ay gegida Villa Park ku ballansan yihiin kooxaha Aston Villa iyo Manchester United ayuu qabaa in Steven Gerrard uu guuldarro badi doono kooxdii uu ciyaartoynimo mudada dheer kula soo xifaaltamay ee Red Devils oo maalmo kahor isaga ka reebtay FA Cup.

Ciyaarta berrito gegida Anfield ku dhex maraysa Liverpool iyo Brentford ayuu qabaa in Reds oo xiddigo halbawle ahi ka maqan yihiin ay guul ka gaadhi doonaan kooxda PL ku cusub.

Ugu dambayn kulanka North London Derby ayuu guusha siiyay Spurs iyo tababare Antonio Conte isaga oo qaba inay libinta ka heli doonaan Gunners.

Saadaasha Premier League Ee Lawro Wareega 22-aad.

Brighton 1-1 Crystal Palace

Man City 2-1 Chelsea

Newcastle 2-1 Watford

Norwich 0-2 Everton

Wolves 2-1 Southampton

Aston Villa 2-1 Man United

Liverpool 2-0 Brentford

West Ham 2-0 Leeds

Tottenham 1-0 Arsenal

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*