Xiddigii hore ee kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ee Steve McManaman ayaa kala doortay kooxihiisii hore iyo mida uu u saadaalinayo inay ku guuleysan doonto UEFA Champions League 28-ka bishan May.
Labada kooxood ayaa gegida Stade de France isku faro-saari doona iyaga oo ciyaaraya ku-celiska Final-kii Champions League ee 2018 markaas oo ay 3-1 koobka ku hanatay kooxda Spain metelaysay.
Markan Real Madrid ayaa kahor tagi doonta Liverpool ka duwan midii ay 2018 koobka ka qaaday oo tan iyo wakhtigaas kusoo guuleysatay koobab badan oo ay kamid yihiin laba ay xilli ciyaareedkan gudihiisa hanatay oo lagu daray Champions League iyo Premier League.
Reds ayaa xilli ciyaareedkan soo hantay Carabao Cup iyo FA Cup waxaana ay rajaynayaan inay bishan gudaheeda ku daraan horyaalka iyo Champions League.
Dhinaceeda Real Madrid oo xilli horeba meel soo saaratay horyaalka La Liga ayaa dhinaceeda ka doonaysa Champions League markeedii 14-aad taariikhda.
McManaman ayaa haatan saadaashiisa ku cabiray in Liverpool ay ku guuleysan doonto markan Champions League isaga oo sababta ku sheegay in Real Madrid aysan ku ciyaarayn Santiago Bernabeu oo uu qabo inuu yahay sababta ay heerkan kusoo gaadheen.
“Liverpool ayaa noqon doonta kooxda ugu cad cad waxaanan aaminsanahay inay ku guuleysan doonaan. Real Madrid way kasoo maqantahay Bernabeu, Bernabeu waa meel khaas ah halkaasi waa halkii ay ka heleen natiijooyinkii Chelsea, PSG iyo Man City” ayuu yidhi Steve.
Be the first to comment