SAADAAL: Arsenal Oo 8 Dhibcood Tegaysa, United Oo Luminaysa Kaalinta 3aad, Natiijada Chelsea vs Everton Iyo Saadaasha Chris Sutton Ee Usbuucan

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa toddobadkan ay kooxaha qaarkood ciyaari doonaan, kuwo kalena waxay tegi doonaan tartanka kale ee FA Cup oo maraya marxaladda siddeed-dhamaadka halka naadiyo waaweyn oo kalena ay guryahooda isk joogi doonan oo ay ciyaarahoodu baaqanayaan.

Vincent Kompany ayaa Sabtida ku laaban doona kooxdiisii hore ee Manchester City oo ay wada ciyaarayaan FA Cup isaga oo hoggaaminaya Burnley, waxaana sidoo kale wada ciyaari doona Manchester United iyo Fulham kulan uu ganaax ku maqnaanayo Casemiro.

Liverpool ayaa toddobaadkan nasan doonta oo aan ciyaari doonin sababtoo ah naadigii ay la ballansanay dee Fulham ayaa dheelaysa FA Cup halka ciyaarihii horyaalka ee Man United vs Brighton iyo Man City vs West Ham ee horyaalka Premier League ay iyaguna baaqdeen, sababtoo ah waxay labada kooxood ee reer Manchester dheelayaan FA Cup.

Khabiirka ciyaaraha ee Chris Sutton ayaa waxa uu wareegga semi-finalka FA Cup u diray Manchester City iyo Manchester United oo uu sheegay inay xasuuqyo u geysanayaan Burnley iyo Fulham, sidoo kalena Brighton iyo Blackburn ayaa uu guulo siiyey.

Dhinaca horyaalka Premier League, Tottenham ayaa kaalinta saddexaad kala bixi doonta Manchester United, halka Arsenal ay heli doonto fursad ay siddeed dhibcood kaga sarrayso Manchester City, iyadoo Chelsea na  soo hoyn doonta guushii afraad oo xidhiidh ah.

Saadaasha FA Cup ee Chris Sutton

Man City 3-1 Burnley

Sheffield United 1-2 Blackburn

Brighton 5-0 Grimsby

Manchester United 2-1 Fulham.

Saadaasha Chris Sutton ee usbuuca 27aad ee Premier League

Jimce

Nottingham 0-1 Newcastle

Sabti

Aston Villa 2-0 Bournemouth

Brentford 2-1 Leicester City

Southampton 0-2 Tottenham

Wolves 0-1 Leeds United

Chelsea 2-0 Everton

Isniin

Arsenal 2-0 Crystal Palace

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*