Ronaldo Mise Messi? Kevin De Bruyne Oo Si Toos Ah U Kala Doortay Midka Uu Jeclaan Lahaa Inuu La Ciyaaro

Khadka dhexe ee kooxda Manchester City ee Kevin De Bruyne ayaa doortay midka uu jeclaan lahaa inuu ka garab ciyaaro xiddigaha jiilkan mudada dheer hormoodka usoo ahaa ee Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi.

Waraysi uu dhawaan bixiyay ayaa Kevin lagu weydiiyay su’aalo badan oo gaagaaban waxaana kamid ahayd midka uu jeclaan lahaa inuu koox la wadaago Messi iyo Ronaldo.

Kevin ayaa si toos ah u doortay Ronaldo oo ka tirsan haatan kooxda ay magaalo wadaaga yihiin ee Manchester United isaga oo sababta ku sheegay in 37 sano jirkaasi yahay weeraryahan uu goolasha u samayn karo balse uu Messi qudhiisu yahay kubad sameeye isaga oo kale ah.

“Waxaan odhan lahaa Ronaldo, sababtoo ah isagu waa mid in badan weeraryahan badhax-tiran ah. Messi wali waa kubad sameeye. Anigu waxaan ahay kubad sameeye sidaas darteed waxaad isiin kartaa weeraryahan” ayuu yidhi KDB oo kala xulashadaas samaynayay.

De Bruyne ayaa markale xilli ciyaareed heer sarre ah la qaadanaya Manchester City isaga oo 44 kulan oo tartamada oo dhan ah 19 gool iyo 13 caawimo kusoo sameeyay.

De Bruyne ayaa xilli ciyaareedka dambe Etihad Stadium ku haysan doona weeraryahan toos ah oo uu caawimooyin badan u samayn karo kaddib markii kooxdiisu ku dhawaaqday saxeexa Erling Haaland oo kaga soo biiraya Borussia Dortmund.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*