Ronald Koeman Oo Shaaciyey Waxa Uu Frenkie de Jong Uga Sheegay Manchester United

Tababarihii hore ee Barcelona iyo xulka qaranka Netherlands ee Ronald Koeman ayaa daboolka ka qaaday, in Frenkie de Jong uu u sheegay in uu xiisaynayo inuu sii joogo Barcelona, xilli ay si aad ah u doonayso Manchester United oo la sheegay inay qarka u saaran tahay inay Barcelona la gaadho heshiis ay kaga iibsanayso laacibkan.

Xiddiga reer Netherlands ayaa ah bartilmaameedka koowaad ee tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag, kaas oo sidoo kale doonaya inuu keeno Old Trafford ciyaartooyo kale oo uu dib u dhis ugu sameeyo Red Devils.

25 jirkan hal-abuurka badan ayuu Ten Hag hore ugu soo tababaray waqtigii uu joogay Ajax, waxaana uu la dhacsan yahay farsamadiisa isaga oo doonaya inuu bud-dhig u noqdo khadka dhexe ee kala daadsan ee Manchester United ee uu doonayo inuu dib u habeeyo.

United ayaa laba jeer oo hore dalabyo ka gudbisay Frenkie de Jong, waxa se hadda la sheegayaa in ay Barcelona ogolaatay inay £68 milyan oo Gini kaga iibiso laacibkan.

Ronald Koeman oo soddog u ah De Jong ayaa waraysi uu siiyey warbaahinta Esport 3, waxa lagu weydiiyey mustaqbalka laacibkan, waxaanu ku jawaabay: “Waxa kaliya ee aan ogahay waa in Frenkie uu doonayo inuu sii joogo Barca.

“Maalmo ka hor ayuu ii sheegay inuu doonayo inuu sii joogo Barcelona, laakiin anigu ma garanayo haddii ay Barca doonayso inay iibiso amaba ay u baahan yihiin lacag, sababtoo waxa uu isagu ka mid yahay ciyaartoyda tirada yar  ee ay lacag fiican ku helayaan.

“Aniga aragtidayda, De Jong waxa uu ciyaartoy fiican ku yahay Barca.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*