Ronald Araujo Oo Diiday In Lagu Sameeyo Qalliin Iyo Muddada Niyad-jabka Ah Ee Uu Garoomada Ka Maqnaanayo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayay musiibo ku noqdeen kulamada caalamiga ah ee xulalku ay ciyaarayaan, waxaana kaga dhaawacmay shan ciyaartoy oo uu ugu sii daran yahay Ronald Araujo oo la gaadhsiiyey heer loosoo jeediyo in qalliin lagu sameeyo, hase yeeshee ka gaabsaday in uu u badheedho in mindida loo qaato iyadoo uu soo dhow yahay Koobka Adduunku.

Kulamadii koowaad ee caalamiga ah ayaa waxa Barcelona kaga dhaawacmay Jules Kounde oo la sheegay in uu ku dhowaad bil garoomada kaga maqnaan doono dhaawac muruqa ah, Ronald Araujo oo isagana muddo laba bilood ah jiifaya, Frenkie de Jong, Ousmane Dembele iyo Memphis Depay.

Sida ay kusoo warramayaan warbaahinta Spain ee u xaglisa dhinaca Barcelona, dhaawaca Ronald Araujo ayaa aad uga xun sidii markii hore la  moodayay, waxaana uu u jiifi doonaa muddo laba bilood ah, taas oo halis gelinaysa fursaddiisa ka qayb-galka Koobka Adduunka ee bisha November.

Difaaca reer Uruguay ayaa sida uu sheegay wariyaha ciyaaraha ee Javi Miguel waxa uu iska diiday in uu diyaar u noqdo in qalliin lagu sameeyo, waxaana uu ka doorbidayaa daaweyn kale oo lagula tacaalo dhaawaciisa si uu fursad  ugu helo ka qayb-galka Koobka Adduunka.

Jamaahiirta Barcelona oo xasuusan dhaawacii soo gaadhay Samuel Umtiti bilo ka hor koobkii adduunka 2018, isla markaana iska diiday in qalliin lagu sameeyo iyadoo waqtigaas lagu tilmaamayay difaaca ugu wanaagsan Barcelona, ayaa waxay ka baqayaan in diidmada Ronald Araujo ee qalliinku ay ku keento inuu u nuglaado dhaawacyada sidii Samuel Umtiti oo kale.

Bisha October oo ay kulamo badan Barcelona ciyaari doonto ayaanu Ronald Araujo ku jiri doonin xisaabta, waxaana ciyaaraha uu ka maqnaanayo ka mid ah Inter Milan oo laba jeer ay ku kulmayaan Champions League, Real Madrid oo kulanka hore ee El Clasico ay badhtamaha bisha dambe ee October ciyaarayaan, Villarreal Athletic Bilbao iyo Bayern Munich oo dhamaantood bisha soo socota ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*