Roberto Mancini Oo Qiimeeyey Fursadda Xulka Qaranka England U Haysto Ku Guuleysiga Koobka Adduunka

Tababaraha xulka qaranka Talyaaniga ee Roberto Mancini ayaa qiimeeyey fursadda uu xulka England u haysto in uu ku guuleysto Koobka Adduunka sannadkan, kaddib kulankii xalay ay labada xul ku yeesheen garoonka San Siro Stadium ee Talyaanigu uu 1-0 ku adkaaday.

Gareth Southgate ayaa uu xulkiisu guul-darro kala soo laabtay safar uu ku tegay Talyaaniga, waxaanay kaalinta ugu hoosaysa kaga jiraan group-kooda UEFA Nations League oo ay kalaiya laba dhibcood ka haystaan shan ciyaarood, iyaga oo aan wali wax guul ah arag.

England waxay dheeli doontaa hal ciyaar oo kaliya ka hor Koobka Adduunka ee Qatar, waxaanay Isniinta garoonka Wembley ku martigelin doonaan Germany oo iyaguna guul-darraystay kulankoodii xalay ee Hungary.

Roberto Mancini oo wax laga weydiiyey fursadda England ee Koobka Adduunka ayaa sheegay, in uu rumaysan yahay in xulka Ingiriisku ay fursad fiican u haystaan in ay ku guuleystaan koobka adduunka, waxaanu yidhi: “Idinku (Ingiriiskoow), waxa aad ka qayb-gelaysaan Koobka Adduunka, waana mid aad muhiim u ah.

“Fikirkaygu waa in England ay ka mid tahay kooxaha ugu wanaagsan dunida, xataa inkasta oo ay guul-darraysteen ciyaartan. Waxay haystaan fursad fiican oo ay ugu guuleysan karayaan Koobka Adduunka.”

Inkasta oo uu Roberto Mancini kalsooni badan ku qabo in xulka England ay ku guuleysan karayaan Koobka Adduunka, haddana guul-darradii xalay ayaa waxa eedayn badan loogu soo jeediyey Gareth Southgate oo ay taageereyaashu dalbadeen in shaqada laga caydhiyo.

England ayaa waxay Koobka Adduunka isku group yihiin Iran, Maraykanak iyo Wales, waxaanay ciyaartooda koowaad November 21 foodda is-dari doonaan Iran.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*