Rio Ferdinand Oo Saadaaliyey Semi-finalka Champions League Iyo Magacyada Afarta Kooxood Ee Uu Soo Saaray

Halyeygii Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyey afarta  kooxood ee usoo bixi doona wareegga semi-finalka tartanka Champions League, kaddib markii shalay Jimcihii lasoo saaray isku-aadka wareegyada siddeedda iyo laba-dhamaadka.

Siddeedda kooxood ee iskugu soo hadhay tartanka ayaa mid walba ay ogaatay dariiqa ay u marayso illaa ciyaarta ugu dambaysa, iyadoo xafladdii lagu qabtay magaalada Nyon lagu xaqiijiyey sida loo wada ciyaarayo illaa finalka oo aan mar dambe la iskugu soo noqon doonin isku-aadka.

Real Madrid oo koobka difaacanaysa ayaa waxay is helayaan Chelsea oo marxaladdan oo kale xilli ciyaareedkii hore ay ku reebeen 5-4 isku-darka labdii lugood.

Bayern Munich ayaa iyaduna la ciyaari doonta Manchester City halka Napoli ay isku dhaceen AC Milan oo ah kooxda sannadkii hore ku guuleysatay horyaalka Scudetto ee Serie A-da Talyaaniga.

Rio Ferdinand oo saadaaliyey afarta kooxood ee usoo gudbaya semi-finalka ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa waxa uu kaga farxiyey Real Madrid oo uu u sheegay inay soo dhaafaysa Chelsea, halka Manchester City uu iyadana ugu bushaareeyey in sannadkii labaad oo xidhiidh ah ay imanayso semifinalka. Labada kooxood ee Talyaaniga ee Inter Milan iyo Napoli ayaa uu iyagana soo saaray.

Ferdinand ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Semi-finalka waxa usoo gudbaya… Real Madrid, Man City, Inter Milan iyo Napoli.”

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*