RIKOODH: Liverpool Oo Jabisay Rikoodhkii Rikoodheyaasha Horyaalka Premier League & Rikoodhkii 111 Sannadood Aanay Gaadhin

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa jabisay rikoodhkii rikoodheyaal helista ee taariikhda horyaalka Premier League kaddiib markii ay 6-0 ku xasuuqday Leeds United, xilli uu laba rikoodhe u dhaliyey Mohamed Salah.

Liverpool ayaa noqotay kooxda rikoodheyaasha ugu badan la siiyey horyaalka Premier League, waxaanay dhaaftay Manchester United oo hore u haysan jirtay rikoodhkan.

Red Devils ayaa la siiyey 169 rikoodhe laga soo bilaabo sannadkii 1992kii, waana waqtigii uu horyaalku qaatay magaca Premier League, hase yeeshee Liverpool ayaa laba rikoodhe la siiyey ciyaartii Leeds United ee xalay, waxaanay ahaayeen rikoodheyaashii 170aad iyo 171aad ee loo dhigo laga soo bilaabo sannadkii 1992kii.

Mohamed Salah ayaa labadan rikoodheba goolal u baddalay, waxaanu kusii dheeraystay hoggaanka tartanka  kabta dahabka ah, iyadoo afarta gool ee kalena ay raaciyeen Joel Matip, Sadio Mane iyo Virgil van Dijk.

Guushan waxay Liverpool siisay inay yeelato 60 dhibcood oo ay ka urursatay 26 ciyaaarood oo horyaalka ah oo ay dheeshay, waxaanay saddex dhibcood ka dambaysaa Manchester City oo 63 dhibcood haysata, kulamo isku mid ahna ay ciyaareen.

Dhinaca kale, Liverpool ayaa barbarraysay rikoodh ay ugu dambaysay sannadkii 1911kii oo laga joogo 111 sannadood, waxaana rikoodhkaas gaadhsiiyey goolkii uu u dhaliyey Joel Matip oo saxeexay goolka labaad ee Liverpool ee xalay.

Difaaca reer Cameroon ayaa noqday ciyaartoygii 17aad ee Liverpool gool u dhaliya xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waxaana ugu dambaysay Reds in tiro intaas le’eg oo ciyaartooyo ahi ay hal xilli ciyaareed horyaalka goolal uga dhaliyaan xilli ciyaareedkii 1911-12.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*