RIKOODH: Cristiano Ronaldo Oo Rikoodh Cusub Oo Aan Hore Loo Arag Ka Dhigay Koobka Adduunka

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa rikoodh taariikhi ah oo aanay abid cidina uga horreynin ka dhigay Koobka Adduunka, kaddib markii uu ciyaartii koowaad ee Koobka Adduunka ee ka socda Qatar ay 3-2 kaga badiyeen Ghana.

Ronaldo ayaa ciyaarta ku furay gool rikoodhe ahaa oo uu qaybii labaad dhaliyey, waxaana uu goolkaas ku galay taariikhda Koobka Adduunka oo uu noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee abid shan Koob Adduun oo kala duwan oo uu ka qayb-galay goolal ka dhaliyey.

37 jirkan ayaa waxa qalad ku galay difaaca Ghana ee Salisu oo ku riday xerada ganaaxa dhaxdeeda, waxaana uu soo qaatay kubadda oo uu sii dhunkaday ka hor intii aanu ku toogan dhinaca midig ee goolhayaha.

Ghana ayaa ka gadooday go’aanka garsooruhu rikoodhaha ku siiyey Portugal, sababtoo ah waxay u arkayeen in uu yahay mid jilicsan oo uu Ronaldo isasii tuuray balse dooddoodu ma aanay shaqayn.

Ronaldo ayaa markii uu goolka dhaliyey sameeyey dabbaal-deggiisa caanka ah ee ‘SIUUUU’, waxaanu goolkaasi noqonayaa mid uu taariikh cusub kaga abuuray Koobka Adduunka oo uu ku noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee shan koob adduun goolal ka dhaliya.

Sannadkii 2006 ayuu Ronaldo goolkiisii koowaad ee Koobka Adduunka u dhaliyey xulka qaranka Portugal, waxaana uu kusii xigsiiyey oo uu goolal ka dhaliyey 2010, 2014, 2018 iyo 2022.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*