Real Madrid Oo Mbappe Si Cad Ugu Sheegtay LABA Shuruudood Oo Ka Xiga Inuu Kusoo Biiro

Real Madrid ayay xogo cusubi tibaaxayaan shuruuda ah ku xidhayso weeraryahanka Paris Saint-Germain ee Kylian Mbappe haddii ay doonayso inuu kooxdeeda kusoo biiro.

Madrid ayaan marnaba qarsan jirin sida ay u doonayso saxeexa French-kaas iyagoo ku dhawaaday inay xagaagii sanadkii hore ee 2022 qaab bilaash ah kula saxeexdaan.

Mbappe ayaa wakhtigaas doortay inuu sii joogo Paris oo uu u saxeexo heshiis cusub oo laba sano ah sanadka saddexaadna dookh yahay.

Mbappe ayaan la filayn inuu xill ciyaareedkan ka tago Paris oo uu baaqi kusii ahaan doono Parc des Princes ugu yaraan sanad kale balse markale ayaa xagaaga dambe ee 2024 mustaqbalkiisu cirka ku shareermi doonaa.

Laba shuruudood oo Los Blancos ku xidheen saxeexa Kylian ayaa ah inuu ugu horreynba kooxdooda xor ugu soo biiro oo aysan wax lacag ah ka bixin doonin.

Qoddobkaas ayaa dhaqan gali kara 2024 haddii uusan Mbappe sanadka dheeraadka ah ee heshiiskiisa PSG go’aansan inuu isagu kordhiyo.

Shuruuda labaad ee Madrid u yeedhisay Mbappe ayaa ah inuu ku dhawaaqo rabitaankiisa ah inuu Santiago Bernabeu usoo wareego si uu u wanaajiyo xidhiidhka kala dhaxeeya taageerayaasha kooxda ee uu niyad jabiyay sanad kahor.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*