Real Madrid Oo Ka Inkaarsanaysa Liverpool Iyo Xiddiga Uu Qorshaha Ku Darsaday Jurgen Klopp Ee Ay Ka Xoogayaan

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ka inkaarsanaysa dhiggeeda Liverpool, waxaanay qarka u saaran tahay in ay ku garaacdo xiddig uu Jurgen Klopp doonayay inuu geysto Anfield oo uu ku xalliyo mushkiladda khadka dhexe ee kooxdiisa.

Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa in ay tallaabooyin u jirto saxeexa laacibka khadka dhexe ee Joao Gomes oo qiimihiisa lagu sheegya €30 milyan oo Euro, isla markaana dhowaan u sheegay saxaafadda in uu la socdo in ay xiisaynayso Liverpool, mar la weydiiyey mustaqbalkiisa iyo sida uu ula socdo naadiyada danaynaya.

Sida uu kusoo warramayo wariyaha ciyaaraha ee Martin Liberman, Real Madrid ayaa wada-hadallo kula jirta 21 jirkan khadka dhexe uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Flamengo, waxaanay u dhow dahay in ay xidhiidh la meel dhigto kooxda iyo ciyaartoygaba.

Kubbad-sameeyahan oo ka mid ah xiddigaha ugu wanaagsan ee ka ciyaara horyaalka Brazil, ayaa ku fiican hal-abuurka iyo habaynta kubbadaha, waxaana uu kooxda koowaad u saftay 106 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah.

Los Blancos ayaa u dooratay Joao Gomes in uu noqdo beddelka xiddiga ay Manchester United ka iibiyeen ee Casemiro oo sannadkii 2013 ay isagana kasoo qaateen Brazil iyadoo ay da’diisu yar tahay, muddo koobanna loo diray kooxda da’yarta ee Real Marid Castilla ka hor intii aan amaah loogu dirin FC Porto oo sannad gudihii lagaga soo celiyey.

Gomes ayaa la sheegay in ay waxyaabo badan iskaga mid yihiin Casemiro, waxaana uu Carlo Ancelotti doonayaa in uu keeno Camp Nou oo uu khadka dhexe ka wada ciyaarsiiyo Aurelien Tchouameni oo ah kubbad-burburiyaha sii buuxiyey booskii Casemiro.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*