Real Madrid Oo Iskugu Bushaaraynaysa Heshiiska Kylian Mbappe & Xogta Cusub Ee La Helay

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay kalsooni buuxda ku qabto inay gacanta ku dhigi doonto xiddiga reer France ee Kylian Mbappe oo ay si bilaash ah ugala soo wareegi doonto Paris Saint-Germain.

23 jirkan oo ayay lix toddobaad oo kali ahi ka hadhsan yihiin waqtiga uu dhamaanayo qandaraaska uu kual jiro PSG, waxaana isasoo taraya walaaca haysata kooxdaas ee ah inay luminayso oo uu si xor ah uga tegi doono.

Inkasta oo Leonardo, Nasser Al-Khelaifi iyo xataa Mauricio Pochettino ay waqti badan ku bixinayaan sidii ay laacibkan ugu qancin lahaayeen in uu heshiis laba sannadood ah oo uu lacag badan ku helayo uu saxeexo, haddana waxay dhibaato ka haysataa laacibkan oo aan wax jawaab ah siinin illaa hadda.

Real Madrid oo ah kooxda sida weyn loola xidhiidhinayo Kylian Mbappe ayaa iyaduna bilowday inay dadka u sheegto, in ay weeraryahankan Faransiiska ah si degdeg ah u dhamaystiri doonto qandaraaskiisa oo uu iman doono Santiago Bernabeu dhamaadka bisha June ee ay maalmaha kooban ka hadhsan yihiin.

Sida uu qoray wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa waddanka Faransiiska, masuuliyiinta sarsare ee Real Madrid ayaa  bilaabay inay dadka gudaha kooxda u sheegaan in uu kooxda kusoo waajahan yahay Karim Benzema oo heshiiskiisa la diyaarinayo.

Warkan ayaa imanaya iyadoo dhowaan la sheegay, in Mbappe aanu wax go’aan ah gaadhi doonin illaa inta uu dhamaanayo xilli ciyaareedka oo lasoo gunaanadayo May 21, markaas oo ay PSG ciyaari doono kulankeeda ugu dambeeya ee horyaalka Ligue 1 iyo guud ahaan xilli ciyaareedkan ba.

Kylian Mbappe ayaa xilli-ciyaareedkan ahaa xiddiga ka dhex-muuqda PSG ee ugu waxqabadka badan, waxaana 41 kulan oo uu ciyaaray uu u dhaliyey 30 gool iyo 19 kale oo uu caawiye ka noqday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*