Real Madrid ayaa albaabada u furtay Manchester United oo ka doonaysa xiddiga khadka dhexe ee Casemiro, waxaanay fursad u siisay in Red Devils ay la saxeexankarto laacibkan oo uu si weyyn u doonayo tababare Erik ten Hag, hase yeeshee waxay ku xidheen hal shuruud oo kaliya oo ah dhinaca lacagta.
Casemiro ayaa kusoo baxay bartilmaameedka koowaad ee Manchester United markii labadii ciyaarood ee ugu horreeyey horyaalka Premier League laga badiyey, waxaana uu Ten Hag dalbaday in si degdeg ah loogu keeno kubbad-burburiyahan, iyadoo ay Red Devils joojisay heshiiskii Adrien Rabiot oo mushahar waali ah dalbaday.
Masuuliyiin ka socda Manchester United ayaa u duulay magaalada Madrid oo ay wada-hadallo kula leeyihiin Real Madrid iyo Casemiro, waxaana jirta suurtogalnimo weyn oo ay Manchester United kula saxeexan karayso Casemiro.
Real Madrid ayaa la sheegay inay diyaar u tahay inay iibiso Casemiro maadaama ay haysato Aurelien Tchouameni oo ay xagaagan kala soo wareegtay Monaco si uu u noqdo laacibka u beddelaya Casemiro oo ay hadda da’diisu tahay 31 jir.
Sida ay sheegtay idaacadda Onda Cero ee xarunteedu tahay Spain, Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iibiso Casemiro waxayse dalbanaysaa €70 milyan oo Euro oo u dhiganta £59 milyan oo Gini, taas oo la sheegay in Manchester United ay diyaar u tahay inay bixiso.
Casemiro oo bishii February ay da’diisu noqotay 31 jir, ayay Real Madrid £5 milyan oo Gini oo u dhiganta €6 milyan oo Euro ay sannadkii 2013 kaga soo iibsatay kooxda reer Brazil ee Sao Paulo, waxaanay Los Blancos u aragtaa faa’iido weyn in ciyaartoy ay da’diisu sidaa u weyn tahay ay ku iibiso €70 milyan oo Euro.
Real Madrid oo saddexda ciyaartoy ee ay ugu kalsoonida badan tahay ay yihiin Casemiro, Toni Kroos iyo Luka Modric oo ah saddexda ciyaartoy ee sida joogtada ah ugu soo bilowda ayaa waxa sidoo kale ay haystaan xiddigaha da’da yar ee Federico Valverde, Eduardo Camavinga, Dani Ceballos iyo Aurelien Tchouameni oo loo carbinayo inay noqdaan kuwa beddelaya saddexda hore.
Kulankii horyaalka LaLiga ay Real Madrid ku furatay ee Almeria ayay kusoo bilowdeen labada da’yar ee reer France ee khadka dhexe ee Eduardo Camavinga iyo Aurelien Tchouameni, iyadoo uu Casemiro kursiga kaydka ku dhamaystay.
Be the first to comment