RASMI: Waqtiga La Ciyaarayo Kulanka El Clasico Ee Real Madrid Iyo Barcelona Oo La Shaaciyey

Maamulka horyaalka LaLiga ayaa shaaciyey waqtiga ay kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ciyaari doonaan kulankooda ugu dambeeya ee El Clasico ee xilli-ciyaareedkan, kaas oo ka dhici doona garoonka Santiago Bernabeu ee magaalada Madrid.

Barcelona ayaa safar ku tegi doonta magaalada Madrid iyada oo maanka  ku haysa inay ka aargoosato Real Madrid oo ciyaartii hore kusoo garaacday Camp Nou.

LaLiga ayaa shaaciyey in ciyaartani dhici doonto 20ka bisha March, waxaanay noqon doontaa kulanka 29aad ee horyaalka waddanka Spain ee xilli ciyaareedka.

Real Madrid oo 15 dhibcood ka horreysa Barcelona, ayaa hoggaanka hoggaanka horyaalka haysa, wax cabsi ahna kama qabto inay soo gaadhayso Barcelona oo haysata hal ciyaar oo baaqi u ah, laakiin waxay lix dhibcood ka horreysaa Sevilla oo kaalinta labaad ku jirta, isla markaana bandhig iyo natiijooyin fiican ka keenaysa horyaalka.

Barcelona ayaa dhinaceeda isku dayaysa inay soo cidhiidhsato kaalinta saddexaad oo ay hadda ku fadhido Real Betis oo afar dhibcood ka horreysa, halka Atletico Madrid oo shanaad ku jirtana ay isku dhibco yihiin Barcelona.

Real Madrid ayaa u safri doonta Andalusia oo ay ugu tegi doonto Sevilla saddex toddobaad kaddib kulanka Barcelona ee El Clasico, sidaa darteed, haddii ay Barcelona garaacdo LosBlancos waxay heli doontaa fursad weyn oo ay booska labaad ugu hammiyi karto, iyagoo waliba ku ducaysanaya inay Real Madrid garaacdo Sevilla.

Si kastaba, Real Madrid ayaa 2-1 kusoo garaacday Barcelona lugtii hore ee El Clasico ee Camp Nou, waxaana sannadihii ugu dambeeyey guusha ku badnayd Real Madrid.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*