RASMI: Thomas Tuchel Oo Soo Saaray Liiska Ciyaartoyda Chelsea Ee Finalka FA Cup Ee Liverpool Ay Galabta Kala Calaf-qaadayaan

Tababare Thomas Tuchel ayaa raadinaya koobkii afraad ee uu kula guuleysto Chelsea oo uu tababare u ahaa sannad iyo afar bilood, waxaase hor taagan Liverpool oo galabta ay ku dagaallami doonaan finalka FA Cup. Tan iyo markii uu yimid Stamford Bridge, Tuchel ayaa ku guuleystay Champions League, UEFA Super Cup iyo FIFA Club World Cup, halka uu maantana u dagaallamayo ku guuleysiga FA Cup.

Chelsea oo sidoo kale timid finalkii Carbao Cup oo ay Liverpool kaga guuleysatay bishii February, waxay uu Thomas Tuchel soo xushay ciyaartooyo adag oo uu la tegayo garoonka Wembley ee ku yaalla magaalada  ay kooxdiisu ka dhisan tahay ee London oo ay Liverpool safar ku imanayso.

Romelu Lukaku ayaa dib usoo celiyey xidhiidhkii fiicnaa ee kala dhexeeyey Tuchel iyo sidoo kale taageereyaasha kaddib markii uu shalay beeniyey hadal kasoo yeedhay wakiilkiisa oo sheegay inuu la kulmayo mulkiilaha cusub ee kooxda ee Todd Boehly si uu mustaqbalkiisa ugala hadlo.

Inkasta oo aanay aad iskugu fiicnayn Tuchel, haddana Lukaku ayaa filaya inuu kusoo garab bilaaban doono Kai Havertz amaba Timo Werner, si ay culays badan u saari karaan difaaca Liverpool.

Tababare Tuchel oo warbaahinta la hadlayay shalay ayaa la weydiiyey haddii ay Lukaku iyo Havertz kusoo wada bilaaban doonaan ciyaarta maanta, waxaanu ku jawaabay: “Haa, waanu wada ciyaarsiin karnaa labadoodaba in kasta oo ay jirto dareen yar oo ah in aanay ku habboonayn inay iska garab ciyaaraan, laakiin aad ayay ugu badan tahay inay labadooduba wada ciyaaraan. Wali se ma aanaan go’aamin shaxdayada.”

Mateo Kovacic ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee walaaca  ku haya Thomas Tuchel ee dhaawacan, waxaase lagu soo daray liiska kooxda, taas oo muujinaysa ifafaale ah inuu soo kabtay oo ay suurtogal tahay inuu ciyaaro, inkasta oo xaaladdiisa go’aan laga gaadhi doono ka hor inta aan lasoo saarin shaxda kooxda.

Liiska ciyaartoyda Chelsea ee finalka FA Cup ee Liverpool ee galabta:

Goolhayeyaal: Edouard Mendy, Kepa Arrizabalaga, Marcus Bettinelli

Difaacyahano: Trevoh Chalobah, Malang Sarr, Thiago Silva, Marcos Alonso, Reece James, Cesar Azpilicueta, Antonio Rudiger, Andreas Christensen

Khadka dhexe Saul Niguez, Ruben Loftus-Cheek, Mason Mount, Mateo Kovacic, Ross Barkley, N’Golo Kante

Weeraryahano: Kenedy, Kai Havertz, Hakim Ziyech, Christian Pulisic, Romelu Lukaku, Timo Werner

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*