RASMI: Real Madrid Oo Soo Bandhigtay Antonio Rudiger & Lambarka Uu Xidhanayo

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay saxeexeeda cusub ee Antonio Rudiger oo kaddib markii uu ka gudbay tijaabada caafimaadka lagu soo bandhigay Santiago Bernabeu oo uu saxaafadda kula  hadlay.

Rudiger oo ay da’diisu tahay 29 jir ayay Real Madrid si xor ah ugala soo wareegtay Chelsea  kaddib markii uu diiday inuu qandaraaska u kordhiyo Blues oo uu shan sannadood u ciyaaray, waxaanu Real Madrid u saxeexay heshiis afar sannadood ah oo soconaya illaa sannadka 2026.

Difaaca reer Germany ayaa joogi doona Real Madrid illaa inta ay da’diisu noqonayso 33 jir, markaas ayaanay labada dhinac ka fikiri doonaan in qandaraaska loo dheereeyo iyo in uu cirmigiisa intaas ku ekaado.

Kaddib kulamadii caalamiga ahaa ee UEFA Nations League ee bishan uu ku maqnaa, Rudiger ayaa ka degay magaalada Madrid waxaanu maanta gellinkii hore tijaabada caafimaadka ku maray Sanitas La Moraleja University Hospital, ka hor intii aanu Madaxweyyne Florentino Perez aanay kulmin ee aanu ku wareejinin lambarka uu laacibkani u xidhan doono Real Madrid.

Antonio Rudiger ayaa lagu wareejiyey No22 oo uu xidhan jiray Isco oo si xor ah uga tegay Real Madrid xagaagan markii uu dhamaaday qandaraaskiisu.

Saxaafadda ayuu la hadlay iyadoo uu dhinac fadhiyo Madaxweyne Perez, waxaanu yidhi: “Maalin khaas ah ayay inoo tahay dhamaanteen, laakiin aniga ayay si gaar ah iigu tahay maalin khaas ah.

“Waxa aan u mahad-celinayaa waalidiintay sababtoo ah iyaga la’aantood halkan ma aanan joogeen. Mar walba way i caawinayeen, noloshayda oo dhanna aad ayay muhiim ugu ahaayeen.

“Waxa kale oo aan u mahad-celinayaa Madaxweynaha Real Madrid oo isiiyey fursad aan ugu ciyaaro kooxdan weyn, waxaanan ballan-qaadayaa in aan wax walba ookaraankayga ah u huri doono naadigan. Waxa aan doonayaa in aan kula guuleysto koobab badan. Hala Madrid, wax kale ma jiraan.”

Antonio Rudiger ayaa toddobaadkii mushahar u qaadan doona lacag gaadhaysa £315,000 Gini, waxaanu ku biirayaa liiska ciyaartoyda ugu mushaharka badan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*