RASMI: Manchester City Oo Ku Dhawaaqday LABA Saxeex Oo Mustaqbalka Ah

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa ku dhawaaqday saxeexyada laba ciyaartoy oo mustaqbalka ah oo Etihad Stadium ku qaadan doonta waqti barbaarin iyo ciyaar iskugu jira.

Man City ayaa si rasmi ah u shaacisay, in Finley Burns iyo Shea Charles ay saxeexeen heshiis waqti dheer kusii hayanaya kooxda oo ay hadda ka tirsanyihiin da’yarta.

Charles oo ay da’diisu tahay 18 jir kana ciyaara difaaca iyo khadka dhexe intaba ayaa Manchester City ka tirsanaa illaa markiiay da’diisu ahayd 9 ir, waxaana uu sii kordhiyey heshiiskiisii xirfadeedeed ee uu saxeexay markii uu gaadhay 18 jirka oo ah xilligii uu sharcigu u ogolaanayay inuu galo qandaraas buuxa.

Pep Guardiola ayaa ka shaqeeyey sidii uu Charles usii joogi lahaa kooxda ee uu qandaraas waqti dheer ah u saxeexi lahaa, iyadoo qorshuhuna yahay inuu fursado laga siiyo kooxda koowaad.

Ciyaartoyga labaad ee ay Manchester City heshiiska ka saxeexday ayaa waxa uu yahay Burns oo sannadkii 2017kii ay kala soo wareegeen kooxda Southend iyagoo kasoo bixiyey lacagtii ugu badnayd ee ay laacib ay da’diisu 13 jir tahay kusoo iibsadaan.

Man City ayaa waxay waqtigaas kasoo bixisay Burns oo hadda 18 jir ah lacag gaadhaysa £175,000, waxaana uu kooxda koowaad u ciyaaray kulankii Carabao Cup ee Wycombe ee bishii September.

Labadan ciyaartoy ayaa mid walba uu qalinka ku duugay heshiis soconaya illaa sannadka 2027, taas oo ka dhigan in ay shanta sannadood ee soo socota kasii mid ahaanayaan Manchester City.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*