RASMI: Liverpool Oo Iibisay Xiddigii Labaad Usbuuc Gudihii Kaddib Sadio Mane

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday, in xiddigeedii khadka dhexe ee Takumi Minamino uu si rasmi ah uga tegay oo uu u wareegay kooxda reer France ee Monaco, lix maalmood kaddib markii ay macasalaameeyeen Sadio Mane oo ka degay Bayern Munich.

Reds ayaa ogolaatay inay laacibkan reer Japan ku iibiso lacag dhan £15.5 milyan oo Gini oo la rumaysan yahay in £12.9 lagu siinayo naqad halka £2.6 milyan oo kalena ay Monaco dib u bixin doonto.

Xiddiga reer Japan ayay Liverpool £7.25 milyan oo Gini kaga soo iibisatay Red Bull Salzburg, hase yeeshee waxa uu boos ka waayay afka hore iyo khadka dhexe intaba, taas oo keentay inuu soo afjaro waayihiisa Anfield kaddib sannad iyo badh uu joogay.

Qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii tegay ayuu amaah ugu maqnaa Suuthampton, waxaana 27 jirkani uu 10 gool u dhaliyey Liverpool oo uu u saftay 24 ciyaarood xilli ciyaareedkii tegay, isaga oo inta badan kulamada uu saftay ay ahaayeen FA Cup iyo League Cup, halka horyaalka Premier League uu 11 kulan oo kaliya saftay.

Liverpool ayaa in muddo ahba diyaar u ahayd inay dhegaysato dalabyada laga soo gudbinayo laacibkan oo ay xiisaynayeen kooxaha Lyon, Atalanta, Leeds United, Southampton iyo Wolves, hase yeeshee Monaco ayaa dalabkii ugu macquulsanaa la timid kaddib markii ay Real Madrid ka iibiso xiddigeedii khadka dhexe ee Aurelien Tchouameni.

Minamino ayaa ka tegaya Liverpool iyadoo guud ahaan rikoodhkiisa ay ku jiraan 55 ciyaarood oo uu u saftay iyo 14 gool oo uu u dhaliyey, waxaanu kula guuleystay Premier League, FA Cup iyo League Cup/Carabao Cup.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*