RASMI: Liiska Xiddigaha Liverpool Ee Finalka FA Cup Ee Galabta Oo Lasoo Saaray

Tababaraha kooxda kubadda cagta Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa soo saaray liiska ciyaartoydiisa kulanka galabta ee finalka FA Cup ee ay Chelsea foodda isku darayaan garoonka qaranka England ee Wembley Stadium ee magaalada London.

Liverpool oo bishii February Chelsea ku garaacday finalka Carabao Cup, rikoodheyaal na kaga qaadday koobka ayaa waxa uu Jurgen Klopp doonayaa in uu koobkii labaad ku garaaco Thomas Tuchel muddo saddex bilood gudahood ah.

Chelsea oo sannadkii saddexaad oo xidhiidh ah timid finalka FA Cup, ayaa waxa sannadihii 2020 iyo 2021 kaga koobka ka qaaday Arsenal iyo Leicester City, laakiin hadda ayay dagaal ka xigtaa, waxaana uu Klopp ogyahay in Liverpool uu sugayo imtixaan adag, sidaas adarteedna waxa uu si adag u diyaariyey ciyaartoydiisa.

Liverpool oo finalkii ugu horreeyey ee koobkan ah kasoo muuqanaysa tan iyo sannadkii 2012, waqtigaas oo ay Chelsea finalka iskugu yimaaddeen isla markaana ay 2-1 guushu ku raacday Chelsea.

Waxa uu finalkani noqonayaa midkii ugu horreeyey ee lagu ciyaaro Wembley oo taageereyaal ka buuxaan tan iyo ciyaartii Manchester City ay 6-0 ku garaacday Watford sannadkii 2019 oo ay garoonka joogeen 85,854 qof oo taageereyaal ah, halka labadii sannadood ee xigay uu Caabuqa Korona Fayras qasbay in jamaahiirtu bannaanka joogaan.

Liverpool waxa ka maqan kubbad-burburiyaha reer Brazil ee Fabinho oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Aston Villa ee Salaasadii, waxaase rajo fiican laga qabaa in uu diyaar u noqon doono finalka Champions League ee dhamaadka bishan.

Ma jiraan dhaawacyo ama ganaaxyo walwal gelinaya Jurgen Klopp oo aan ahayn Fabinho, inta kale ee ciyaartoydiisuna waxay u safreen magaalada London oo ay galabta kula ciyaarayaan Chelsea.

Liiska  ciyaartoyda Liverpool ee kulanka Chelsea ee finalka FA Cup

Goolhayeyaal: Adrian, Alisson Becker, Caoimhin Kelleher.

Difaacyahanno: Andy Robertson, Ibrahima Konate, Joel Matip, Joe Gomez, Kostas Tsimikas, Trent Alexander-Arnold, Virgil van Dijk, Rhys Williams.

Khadka dhexe: Alex Oxlade-Chamberlain, Curtis Jones, Harvey Elliott, James Milner, Jordan Henderson, Naby Keita, Thiago Alcantara.

Weerarka: Diogo Jota, Divock Origi, Luis Diaz, Mohamed Salah, Roberto Firmino, Sadio Mane, Takumi Minamino.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*