RASMI: Laacibkii Ku Guuleystay Abaalmarinta Xiddiga Bisha Premier League Oo La Shaaciyay & Xiddigaan Oo Qabsaday Horyaalka Sannadkan

Ilkay Gundogan ayaa mar kale loo magacaabay Xiddigii Ugu Fiicnaa Horyaalka Premier League Bishii Febraayo, isagoo ku guuleystay abaalmarinta labo bil oo isku xigta Janaayo iyo Febraayo.

Ka dib markii uu dhaliyay shan gool bishii Janaayo isagoo ka caawiyay City inay lawareegto koontaroolka horyaalka Premier League, xiddiga Jarmalka ayaa afar gool kale dhaliyay horyaalka bishii Febraayo iyadoo kooxda Guardiola ay badisaty dhamaan shantii kulan ee ay ciaareen bishaas.

Wuxuu ka soo kabsaday rigoore uu qasaariyay isagoo labo gool dhaliyay kulankii ay 4-1 kaga badiyeen Liverpool ee Anfield halka uu sidoo kale labo gool ka dhaliyay Tottenham, wuxuuna caawiye u noqday Raheem Sterling kulankii Burnley.

Wuxuu sidoo kale ciyaaray guulihii ay Man City ka gaartay Arsenal iyo West Ham.

Gundogan ayaa seegay bilowgii xilli ciyaareedkan markii laga helay Korona Fayras laakiin wixii ka danbeeyay wuxuu wacdarro ka dhigayay khadka dhexe.

Xiddigii hore ee Borussia Dortmund wuxuu abaalmarintaan ka qaaday daafca Fulham Joachim Andersen, xiddiga Leicester Harvey Barnes, saaxiibkiisa City Joao Cancelo, xiddiga Manchester United Bruno Fernandes, kan West Ham Jesse Lingard, kan Wolves Ruben Neves iyo weeraryahanka Leeds Raphinha.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*