RASMI: FIFA Oo Go’aan Ka Gaadhay Ciyaartii Senegal Iyo Masar Ee Isreeb-reebka Koobka Adduunka Oo Ay Masar Dalbatay In Lagu Celiyo

Xidhiidhka kubadda cagta Adduunka ee FIFA ayaa ganaax ku riday xulka qaranka Senegal, kaddib markii ay taageereyaashoodu laysar indhaha kaga qabteen Mohamed Salah kulankii ay ugu soo gudbeen Koobka Adduunka ee ay rikoodheyaasha ku garaaceen Masar.

Taageereyaasha Senegal ayaa qayb weyn ka qaatay guushii xulka qarankooda, waxaanay waqtigii rikoodheyaasha laysar indhaha kaga qabteen ciyaartoyda Masar, gaar ahaan Mohamed Salah, taas oo keentay in uu si fiican u arki waayo goolka, isla markaana hawada u laado kubadda oo uu khasaariyo rikoodhaha.

Waxa kale oo ay taageereyaashu siidheen oo ay walxo kusoo tuureen ciyaartoyda Masar, sida goolhayaha iyo markii dambe ee ay ciyaartu dhamaatay oo Mohamed Salah ay ciidanku si degdeg ahuga saareen garoonka.

Xidhiidhka kubadda cagta Masar ayaa hore u dalbaday in ciyaartaas lagu celiyo maadaama ay taageereyaashu sabab u ahaayeen guul-darrada soo gaadhay ee ay kaga hadheen Koobka Adduunka, laakiin FIFA ayaa qaadatay go’aan ah in kaliya la ganaaxo Senegal.

FIFA waxay shaacisay, in Senegal ay ku ridday ganaax lacageed oo gaadhaya £143,000 Gini iyo sidoo kale inay ku ciyaaraan garoon madhan oo ay albaabadu u xidhan yihiin oo aan taageereyaasha loo ogolaan inay gudaha usoo galaan garoonka.

Jamaahiirta Senegal ayaan awoodi doonin inay garoonka yimaaddaan ciyaarta ugu soo horreysa ee tartan caadi ah oo uu xulka qarankoodu ciyaarayo.

Senegal ayaa ciyaartaas ku adkaatay 1-0, iyadoo lugtii hore  ee ka dhacday Qahir lagaga soo badiyey 1-0, waxaana rikoodheyaashii ku adkaatay Senegal oo soo afjartay rajadii Masaarida ee ahayd inay ka qayb-galaan Koobka Adduunka ee bisha November ka furmaya waddanka Qatar.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*