RASMI: Carlo Ancelotti Oo Soo Saaray Xiddigaha Real Madrid Ee Kulanka Barcelona Iyo Xaaladda Karim Benzema

Real Madrid ayaa soo saartay liiska ciyaartoydeeda kulanka habeen dambe ay martida ugu noqonayaan Barcelona ee horyalka Spain ee LaLiga, kaas oo ay u baahan yihiin inay guuleystaan si ay usoo yareeyaan farqiga dhibcaha hoggaanka ay Blaugrana kaga hayso.

Carlo Ancelotti oo ay dhaawacyo niyad-jab ku rideen ayaa ogsoon in haddii laga badiyo kooxdiisu ay macasalaamayn doonto horyaalka oo 12 dhibcood ay ka dambayn doonan Barcelona iyadoo dhamaadka xilli ciyaareedkana ay ka hadhsan yihiin 12 ciyaarood marka laga reebo kulankooda Axadda.

Xiddiga reer France ee Karim Benzema oo uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Liverpool ee Arbacadii, isla markaana seegay tababarkii Khamiistii ayaa waxa lagu soo daray liiska xiddigaha Real Madrid ee u safraya Camp Nou kaddib markii uu saaka tabbaarka la qatay ciyaartoyda kooxdiisa.

Benzema oo in ka badan bil kaga maqnaa kooxdiisa dhaawac muruqa ahaa xilli ciyaareedkan ayaa la sheegay inuu taam yahay oo uu awoodi doono inuu kusoo bilowdo ciyaarta Barcelona, iskasta oo dhakhaatiirtu ay qiimayn waqti dambe ah ku samayn doonan xaalkiisa.

Waxa kale oo ay Real Madrid dib u heshay difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo muddo laba bilood ah garoomada ka maqnaa, isla markaana diyaar u ah inuu dib u cidhiishado booskiisa difaaca bidix inkasta oo kulamadii ugu dambeeyey uu halkaas bandhig fiican ka samaynayay Nacho Fernandez.

Laacibka da’da yar ee kasoo baxay kulliyadda da’yarta ee Alvaro ayaa ganaax kaga maqan Real Madrid, halka David Alaba oo kasoo kabanaya dhaawac ay waqti hore ku noqotay ciyaartani.

Xiddigaha Real Madrid ee kulanka Barcelona ee habeen dambe

Goolhayeyaal: Thibaut Courtois, Andriy Lunin iyo Luis López.

Difaacyahanno: Dani Carvajal, Eder Militão, Jesus Vallejo, Nacho Fernanadez, Alvaro Odriozola, Lucas Vazquez, Antonio Rüdiger iyo Ferland Mendy.

Khadka Dhexe: Toni Kroos, Luka Modrić, Eduardo Camavinga, Federico Valverde, Aurelien Tchouameni iyo Dani Ceballos.

Weerarka: Eden Hazard, Karim Benzema, Marco Asensio, Vinicius Junior, Rodrygo Goes iyo Mariano Diaz.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*