RASMI: Barcelona Oo Ku Guuleysatay Diiwaan-gelinta Gavi Iyo In Lambarka Laga Beddelo

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ugu dambayn faraxsan, waxaana uu maamulka horyaalka Spain ee LaLiga uu u diiwaangeliyey da’yarka khadka dhexe ee Gavi oo si rasmi ah uga mid noqonaya kooxda koowaad, kaddib markii la aqbalay heshiis cusub oo waqti dheer ah oo ay Blaugrana ka saxeexday xiddigan.

Gavi ayaan hore ugu jirin diiwaanka kooxda koowaad, waxaana uu ka tirsanaa da’yarta inkasta oo uu kooxda koowaad u dheelayay, hase yeeshee heshiis cusub oo uu dhowaan saxeexay ayaa laacibkani uu si rasmi ah ugaga mid noqonayaa kooxda koowaad.

Horyaalka LaLiga ayaa hore u diiday inay diiwaangeliyaan Gavi maadaama ay kooxdu ka gudubtay xaddidaada mushaharka ee loo dhigay, balse xeelad ay samaysayba, Barcelona ayaa waxay ku guuleysatay in si rasmi ah loogu diiwaangeliyo Gavi.

Heshiiskii hore ee Gavi oo lagu burburin karayay 50 milyan oo Euro ayaa hadda meesha ka baxay, waxaana uu mustaqbalkiisu si buuxda oo walwal la’aan ah gacanta ugu galay Barcelona, iyadoo laga beddelay lambarkii uu hore u xidhan jiray ee No.30 ee ay taageereyaashu ku barteen.

Barcelona ayaa beddeshay liiska ciyaartoydeeda ee ku jira website-keeda, waxaanay lambar cusub siisay Gavi oo dhaxlaya lambarkii uu xidhan jiray Xavi Hernandez ee No.6.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*