Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa shaacisay muddada uu garoomada ka maqnaan doono difaaca bidix ee reer France ee Ferland Mendy oo uu dhaawac muruqa ah kasoo gaadhay kulankii Atletico de Madrid ee tartanka Copa del Rey oo ay Los Blancos guul waqti dambe ah kaga gaadhay Santiago Bernabeu.
Los Blancos ayaa sheegtay, in badhitaanno lagu sameeyey laaacibkan ay muujiyeen in uu dhaawac ka gaadhay muruqa lugta bidix oo uu u baahanayo inuu muddo ka maqnaado garoomada.
War-saxaafadeed ay Real Madrid soo saartay maanta waxa lagu xaqiijiyey, in Mendy aanu qorshaha tababare Carlo Ancelotti ku jiri doonin muddo siddeed usbuuc ah oo noqonaysa laba bilood, taas oo ka dhigan in aanu qayb ka noqon doonin kulamada wareegga 16ka Champions League ee Liverpool ee Anfield iyo Santiago Bernabeu.
Idaacadda Cadena COPE ayaa waxay sheegtay, in waqtiga uu Mendy u jiifayo dhaawacan uu ka badan karo laba bilood, waxaana uu uga sii darayaa xaaladda ay ku jirto Los Blancos oo ay hore uga maqnaayeen dersin ciyaartooyo ah, sida David Alaba, Dani Carvajal, Aurelien Tchouameni iyo Lucas Vazquez.
Ka sokow labada ciyaarood ee wareegga 16-ka Champions League ee Liverpool, waxa kale oo uu Ferland Mendy seegi doonaa lugta hore ee semi-finalka Copa del Rey ee Barcelona.
Be the first to comment