Qumbuladdii Uu Tuuray Valverde Ee Birta Ruxday, Fursaddii Ui-Jo Ee Layaabka Lahayd & Natiijada Ciyaartii Uruguay vs South Korea Ee Goolal La’aanta Lagu Heshiiyey

Xulalka Uruguay iyo South Korea ayaa barbarro goolal la’aan ah ku kala baxay kulankooda koowaad ee Koobka Adduunka ee ka socda Qatar, waxaanay fursad siiyeen Portugal iyo Ghana oo ku wehelinaya hormada H oo mar dhow foodda isku dari doona garoonka Stadium 974 ee magaalada Doxa.

Ciyaar inta badan lagu dagaallamay khadka dhexe balse fursado fiican ay labada dhinac heleen oo aanay ka faa’iidaysanin ayay Uruguay iyo Korea ku heshiiyeen inay garoonka kaga baxaan iyadoo shabaqoodu nadiif yahay.

South Korea ayaa ahayd kooxda fursadihii ugu fiicnaa ay soo mareen qaybtii hore, waxaana daqiiqaddii 34aad ay ku dhowaadeen in ay shabaqa soo taabtaan kaddib markii uu Ui-Jo kubbad uu xerada ganaaxa ka helay uu awoodi waayey inuu shabaqa taadhsiiyo.

Diogo Godin ayaa birta garaacay ka hor intii aan loo bixin waqtiga nasashada, iyadoo kubbad koorne ahayd oo uu madax awood badan ku qabtay ay kaga dhacday birta xilli uu goolhayuhu ka quustay.

Heung-min Son ayaa dhawr jeer bannaanka ka toogtay kubbado fiican oo uu helay, hase yeeshee Darwin Nunez ayaa uu goolhayuhu kusoo kadiyey markii kubbad loogu tuuray dhinaca bidix ay ka hor gaadhay diilinta goolka hortiisa.

Fede Valverde ayaa birta kaga gariirsiiyey daqiiqaddii 90aad ee dhamaadka ciyaarta, waxaana qumbulad awood badnayd oo uu ka tuuray meel fog ay kaga dhacday birta, taas oo xataa goolhayuhu aanu taabanin.

Labada xul ayaa u muuqanayay in ay ku qanacsanaayeen in aanay wax goolal ah kala dhalin karayn oo ay heshiis ku yihiin in ay min hal dhibic ciyaarta ka qaataan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*