Qosolkii Arsenal Ee Suuqa Oo Qoomamo Isku Bedelaya, Xiddiga Chelsea Ku Garaacday & Midka Man United Kaga Inkaarsan Karto

Arsenal ayaa ahayd kooxda carcarta ugu badan ka waday suuqa toddobaadyadii ugu dambeeyay iyadoo kooxda uu hormoodka ka yahay tababare Mikel Arteta samaysay dhaq-dhaqaaq cajiib ah isla markaana dalabaad badan diraysay.

Arsenal ayaa horeba u dhammaysay saxeexyada Marquinhos iyo Fabio Vieira sidoo kalena qarka u saaran oo kaliya inay shaaciso uga hadhay saxeexa Gabriel Jesus oo Man City kaga soo biiraya shalayna tijaabada caafimaadka u maray.

Fiidkii xalay ayaa lagu tilmaami karaa wakhti uu dhinaca kale isu rogay suuqa Gunners iyadoo ay saxeexa garabka Leeds United ee Raphinha u muuqdo mid ay ku garaacday Chelsea.

Sida uu sheegay saxafi Fabrizio Romano, qorshaha Arsenal ayaa ahaa inay toddobaadkan dhexdiisa ka hawlgasho arrimaha Raphinha oo ay mudoba kali ku ahayd xiisihiisa balse Blues ayaa xalay markaliya bixiyay lacagta ay kooxdiisu ku doonaysay 25 sano jirka ree Brazil.

Haatan waxkasta ayaa ku xidhan in Chelsea ay heshiiska shaqsiga ah la gaadho Raphinha oo uu wakiil u yahay xiddigeedii hore ee Deco oo qudhiisu arrimaha u fududayn kara.

Dhinaca kale, dhabarjabka Gunners ee suuqa ayaa sii socon kara iyadoo Man United kula loolami doonto saxeexa daafaca dhexe ee Ajax ee Lisandro Martinez oo ah ciyaaryahan sidoo kale booska daafaca bidix iyo burburiyaha khadka dhexeba ka ciyaari kara.

Man United ayaa ugu dambayn Barcelona kala heshiisay saxeexa Frankie De Jong halka ay sidoo kale shalay wakhti kooban ku dhammeeyeen arrimaha daafacii bidix ee Feyenoord ee Tyrell Malacia.

Sida uu haatan sheegayo saxafiga u dhaw Red Devils ee Paul Hirst, Manchester ayaa u sheegtay Ajax in lala soo socodsiiyo waxkasta oo kasoo kordha arrimaha Martinez oo bartilmaameed u ah tababare Erik Ten Hag oo hore halkaas ugu soo layliyay.

Image

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*