Qish Laga Bixiyey Lambarka Uu Jorginho U Xidhan Doono Kooxdiisa Cusub Ee Arsenal

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa heshiis la gaadhay Chelsea oo ay £12 milyan oo Gini kaga iibsanayso xiddiga khadka dhexe ee Jorginho oo saacadaha soo socda qalinka ku duugi doona heshiis laba sannadood ah oo uu ku tegayo Emirates Stadium.

Gunners ayaa waxay bixin doontaa £10 milyan oo Gini oo qaddin ah iyo £2 milyan oo kale oo dheeraad ah oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa iyo guulaha uu la gaadho Arsenal.

31 jirkan aya waxa uu saxeexi doonaa heshiis soconaya illaa sannadka 2024 oo ka dhigan in 18 bilood hadda uu qalinka u qaadanayo, laakiin waxay Arsenal haysataa  dookh ah inay sannad kale oo dheeraad ah ku kordhiso heshiiskiisa.

Mikel Arteta oo taageere weyn u ah laacibkan ayaa heshiiskiisa u dhaqaaqay markii ay ku guul-darraysteen in ay Brighton kala soo wareegaan laacibka khadka dhexe ee Moises Caceido iyadoo laba-jeer laga diiday dalabyo ay Gunners ka gudbisay xiddiga reer Ecuador.

Arsenal oo uu ka dhaawacan yahay Thomas Partey oo ay waxyeello kasoo gaadhay ciyaartii FA Cup ee Manchester City ee Sabtidii, ayaa waxay hadda ka fiirsanaysaa lambarka uu xidhan doono Jorginho oo aan heli doonin No.5 oo uu Chelsea u xidhan jiray, kaas oo uu haysto difaaca reer France ee William Saliba.

Waxa kale oo Jorginho aanu heli doonin No.8 oo uu u xidho xulka qaranka Talyaaniga, waxaana lambarkan haysta Martin Odegaard oo wacdaro ka dhigaya horyaalka Premier League.

Jorginho ayaa intii uu ciyaaraha ku jiray, waxa uu kaliya xidhay saddex lambar oo kala duwan oo ay No.5, No.8 iyo No.19, laakiin dhamaantood ciyaartooyo kale ayaa waqtigan u xidhan Arsenal.

Kubbad-sameeyahan ayaa kala dooran doona lambarrada bannaan ee No.2, No.13, No.20 [waxa banneeyey Nuno Tavarez oo amaah ku tegay Marseille], No.22 [waxa iska leh Pablo Mari oo amaah ugu maqan Monza], No.26, No.28, No.29 iyo No.30

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*