Tareenka kasoo baxa magaalada Lille waxa uu qaataa ku dhowaad laba saacadood, laakiin midka Manchester waxa uu London kusoo gaadhaa illaa shan saacadood, waxaanay masaafooyinkani Manchester United ka galaafteen xiddig uu ku garaacay Arsenal oo si fudud ay markii hore ugu garaaceen Arsenal.
Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa waxay xariifnimo ka muujin jirtay suuqa iibka ciyaartoyda waqtigii uu joogay Sir Alex Ferguson oo ciyaartooyo ku habboon falsafaddiisa ciyaareed la saxeexan jiray.
Sannadkii 2011, waxa uu Sir Alex Ferguson ku guuleystay in uu Arsenal ka hor qaado difaaca reer France ee Raphael Varane oo waqtigaas qarka u saarnaa Arsenal oo uu uga gacan haadinayay Arsene Wenger.
Ferguson ayaa waxa uu la hadlay hooyada dhashay Varane oo uu ku qanciyey in wiilkeedu uu yimaaddo Old Trafford, sida uu ku sheegay buuggiisa taariikhda oo uu ku yidhi: “Hooyooyinku mar walba waa kuwo ku xooggan qoyska, su’aalna kama taagna. Anigu mar walba waxa aan idhaahdaa, ‘Hooyada hala aado.”, waxaana markii uu la xidhiidhay hooyada laacibkan uu garbiyey Wenger oo meesha ka baxay.
Laakiin taas kuma aanu guuleysanin, waxaana qorshihiisa burburiyey telefoon uu laacibkan usoo diray Zinedine Zidane oo u sheegay inuu doonayo inuu yimaaddo Real Madrid oo uu waqtigaas tababare ku-xigeen u ahaa, waxn sidoo kale la hadly Jose Mourinho oo ahaa tababaraha Real Madrid.
Varane ayaa waxa uu ogolaaday inuu tago Real Madrid oo uu kula guuleystay afar Champions League muddadii u dhaxaysay 2014 illaa 2018.
Real Madrid ayaa waxay Varane oo ay da’diisu yar tahay ku kharash garaysay £7 milyan oo Gini oo ay kaga soo iibsatay Lens.
Be the first to comment