QIIMAYN: Xiddigihii Uu Jurgen Klopp Keenay Liverpool Oo La Qiimeeyey, Kuwa Fashilmay, Kuwa Ismuujiyey Iyo Tirada Ciyaartoyda Uu Keenay Anfield

27 ciyaartoy ayuu Jurgen Klopp keenay Liverpool tan iyo markii uu la wareegay sannadkii 2015kii, waxaanay saxeexyadaasi ahaayeen kuwa naadiga dhalan-rogay ee dib ugu soo celiyey guulo ay iska illoobeen oo qaarkood ay ugu dambaysay ka hor intii aanay dhalinin inta badan ciyaartoyda kooxdu.

Jurgen Klopp oo usbuucan saxeexay heshiis cusub oo uu kusii joogay Liverpool illaa sannadka 2026, waxaynu dib u milicsan doonaa waqtigii uu joogay Anfield inaga oo ka abaarayna kaliya dhinaca saxeexyada iyo ciyaartoydii uu kooxda keenay oo aynu qiimayn gaar ah ku samaynayno.

Horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay muddo soddon sannadood ah ayaa uu Jurgen Klopp dib ugu soo celiyey Liverpool oo uu u qaaday, sidoo kalena waxa uu ku hoggaamiyey Champions League, Carabao Cup iyo koobab kale.

Waxay mar kale yimaaddeen finalka Champions League  oo ay Real Madrid ka qaadday, halka horyaalka Premier League laba jeer si sibiq ah lagaga guuleystay.

Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo sannadkii 2017 ay Liverpool £37 milyan oo Gini kaga soo AS Roma, waxaanu hormood u ahaa guulaha ay kooxdani gaadhay tan iyo waqtigaas.

Waxa kaalinta labaad soo galay Virgil van Dijk oo ay kala soo wareegeen Southampton, iyadoo saddexaadna uu noqday Andy Robertson oo kasoo hormaray Alisson Becker oo kaalinta afraad ku jira iyo sidoo kale Sadio Mane.

Halkan kaga bogo qiimaynta 27ka xiddig ee uu Jurgen Klopp keenay Liverpool:

27. Loris Karius

29. Alex Manninger

28. Andy Lonergan

26. Dominic Solanke

25. Ben Davies

24. Steven Caulker

23. Marko Grujic

22. Ozan Kabak

21. Adrian

20. Ragnar Klavan

19. Alex Oxlade-Chamberlain

18. Xherdan Shaqiri

17. Kaide Gordon

16. Takumi Minamino

15. Kostas Tsimikas

14. Harvey Elliott

13. Ibrahima Konate

12. Naby Keita

11. Georginio Wijnaldum

10. Thiago Alcantara

9. Joel Matip

8. Diogo Jota

7. Luis Diaz

6. Fabinho

5. Sadio Mane

4. Alisson Becker

3. Andy Robertson

2. Virgil van Dijk

1. Mohamed Salah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*