QIIMAYN: Kooxaha Ugu Cad Cad Saxeexa Ronaldo Oo La Qiimeeyay & Kooxda Chelsea Ka Horreysa

Man United ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqday warkii laga sugayay oo ah inay kansashay heshiiskii Cristiano Ronaldo oo ay wada jir iskugu af-garteen inay kala huleelaan.

Toddobaadkii hore ayuu soo baxay waraysi wax badan bedelay oo uu Cristiano siiyay saxafi Piers Morgan isagoo dhaliilay tababare Ten Hag, maamulka Glazers iyo qaar kamida xiddigihii hore ee kooxda.

Wargeyska MEN ayaa shaaca ka qaaday in Manchester markii hore doonaysay inay dacwayso oo sharciga ku qaado Cristiano balse ay ugu dambayn kaliya kala farxasheen.

Haddaba, sida haatan lagu sheegay qiimayn lagu sameeyay il-wareedka Sky Bet, Sporting Lisbon ayaa ugu cad cad inay dib ula saxeexato Ronaldo xilli madaxweynaheedu dhawaan sheegay inaysan saxeexiisa isku dayin isla markaana sidoo kale hor istaagin.

Chelsea ayaa ah kooxda labaad ee ugu cad cad iyadoo mulkiile Todd Boehly loo arkayay mid xagaagiiba xiisaynayay saxeexiisa iyadoo wakhtigaas tababare Thomas Tuchel kasoo horjeedsaday.

Waakan Liiska Kooxaha Ronaldo Ku Biiri Karo & Kala Horreyntoodu

Sporting Lisbon: 7/4

Chelsea: 9/4

Kooxaha Maraykanka: 4/1

Bayarn Munich: 7/1

PSG: 8/1

Real Madrid: 9/1

Napoli: 14/1

Roma: 14/1

AC Milan: 18/1

Ajax: 20/1

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*