Qiimaha Xiddiga Reer Brazil Ee Manchester United Ay Raadinayso Ee Evanilson Oo La Shaaciyey

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa loo sheegay qiimaha ay ku heli karayso weeraryahanka reer Brazil ee Evanilson oo u ciyaara kooxda reer Portugal ee FC Porto, kaas oo la sheegay in uu ku jiro liiska ciyaartoyda uu tababare Erik ten Hag doonayo inuu keeno Old Trafford xagaagan.

Ten Hag ayaa doonaya inuu Manchester United keeno No9 cusub oo ku fiican dhalinta goolasha, maadaama uu Old Trafford  ka tegayo Edinson Cavani, sidoo kalena uu Anthony Martial doonayo inuu kasii maqnaado kooxda  kaddib markii amaah loogu diray Sevilla qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii hore.

United ayaa waxa hore loola xidhiidhiyey weeraryahannada Erling Haland iyo Darwin Nunez oo ay xiise dhab ah u muujinayeen, waxaase kaga guuleystay oo la saxeexday Manchester City iyo Liverpool.

Sida uu qoray wargeyska Record ee kasoo baxa waddanka Portugal, United ayaa waxay hadda dareenkeeda ku jeedisay weeraryahanka reer Brazil ee Evanilson oo mar horeba ay dalabkii koowaad ka gudbiyeen laakiin ay Porto ka diidday.

Man United ayaa waxay laacibkan ku dalbatay £51.5 milyan oo Gini oo ay la socdaan lacago kale oo ku xidhnaanaya bandhig-ciyaareedkiisa, hase yeeshee Porto ayaa sare u qaadday qiimaha oo u sheegay Red Devils, in haddii ay doonayaan laacibkan ay la shir yimaaddaan £65 milyan oo Gini.

Warka ayaa intaa ku daray, in Porto ay aqbali karayso £60 milyan oo Gini oo kaash ah iyo £8.5 milyan oo Gini oo kale oo ku xidhnaanaya qaab ciyaareedka laacibkan oo ay Manchester United dib ka bixiso.

Evanilson ayaa xilli ciyaareedkii hore waxa uu Porto u saftay 30 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaanu u dhaliyey 14 gool, halka afar ciyaarood oo Champions League ah oo uu saftay aanu wax gool ah dhalinin.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*