Qiimaha Dhabta Ah Ee Man United Ku Helayso Frankie De Jong & Dareenka Ciyaaryahanka Ee Haatan

Manchester United iyo Barcelona ayaa u muuqda kuwo soo af-meeraya mudo laba bilood ku dhawaad ah oo ay socdeen wararka xanta ah ee ah inay kala qaadanayaan khadka dhexe ee Frankie De Jong.

Sida ay sheegayaan badi wararku, labada kooxood ayaa si buuxda iskula gaadhay qiimaha saxda ah ee ay kala qaadanayaan balse waxaan wali la xalin shuruudaha lacagaha gunnooyinka ah lagu xidhayo.

Sida ay isku raaceen dhammaan saxafiyiinta kala duwan ee kubadda cagtu, heshiiska ayaa noqonaya mid 56 Milyan oo pound ku qabsooma balse waxa dheeraanaya 12 Milyan oo pound oo gunnooyin ah taas oo heshiiska gaadhsiinaysa 68 Milyan oo pound.

Dhinaca dareenka ciyaaryahanka, Man United ayay haatan tahay inay heshiiska shaqsiga ah la gaadho De Jong iyadoo warbixino kala duwan laga qorayo.

In badan oo kamida saxaafada ayaa sheegaysa inuu wali ka cago-jiidayo heshiis uu Old Trafford ugu wareego oo uu doonayo inuu qayb ka noqdo mashruuca Barcelona oo uu u arko mid xiiso badan koobab badana soo hoyn doona.

Frankie ayaa ku qasbanaan doona inuu go’aan gaadho oo uu dhinac mustaqbalkiisa u rido haddii ay labada kooxood heshiiyeen oo ay waliba kooxdiisa haatan ee Barcelona ku riixayso inuu baxo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*