Qaata Jude Bellingham Oo Keena….!! Dortmund Oo U Sheegtay Real Madrid, Liverpool, Chelsea Iyo Labada Manchester Qiimaha Ay Ku Doonayaan Jude

Kooxda Borussia Dortmund ayaa kooxaha Premier League u badan ee ku hamiyaya tartanka khadka dhexe ee kooxdeeda ee Jude Bellingham u sheegay qiimaha ay kaga samri karaan iibkiisa suuqa xagaaga ee soo socda.

Real Madrid oo qudheedu labadii suuq ee ugu dambeeyay soo iibsatay labada da’yar ee kala ah Aurelien Tchouameni iyo Eduardo Camavinga ayaa doonaysa inay suuqii saddexaadna da’yar kale oo khadka dhexe ah soo qabsato.

Kaddib booska uu Casemiro ka baxay ee uu Tchouameni u muuqdo mid la wareegay, Los Blancos ayaa haatan aad uga fikiraysa bedelka Luka Modric oo 37 sano jir ah heshiiskiisa Santiago Bernabeu-na yahay mid ku eeg dhammaadka xilli ciyaareedkan.

Madrid ayaan kali ku ahayn balse waxa saxeexa Jude kula tartami doona kooxaha kala ah Manchester City, Manchester United, Chelsea iyo Liverpool.

Sida uu sheegayo wargeyska The Athletic, Dortmund ayaa iibka Bellingham dul dhigtay lacag 150 Milyan oo euro ah, xaqiiqada ah in heshiiskiisu dhacayo 2025 ayaa ka dhigan inay ku cadaadin karto kooxaha 19 sano jirkaas doonaya inay qiimahaas gaadhaan.

Liverpool ayaa ah kooxda sida ugu xoogan suuqyadii ugu dambeeyay loola xidhiidhinayay da’yarkii hore ee Birmingham City balse waxay u muuqdaan kuwo tartanka lala soo galay.

Image

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*