Qaata Arthur Melo Oo Keena….- Juventus Oo Meel Adag Ka Martay Arsenal Oo Arthur Ka Doonaysay

Kooxda Juventus ayaa doonisteeda u sheegtay dhigeeda Arsenal oo ay maalmihii ugu dambeeyay wadahadalo ku wada jireen kana doonaysay khadka dhexe ee ree Brazil ee Arthur Melo.

Gunners ayaa si weyn ugu baahan saxeexa khad dhexe iyadoo haatan kaliya hal ciyaaryahan oo khad dhexe kooxda koowaad u joogo sababtoo ah in intii kale ku maqan yihiin tartanka qaramada Africa, Korona Fayras iyo dhaawacyo.

Arthur ayaa ah bartilmaameedkooda koowaad ee suuqan January waxaana ay wararku sheegayaan in uu u furan yahay heshiis amaah ah oo uu Emirates ku imanayo.

Warbixinaha ayaa sheegaya in Juventus ay aqbali doonto 35 Milyan oo pound haddii ay ku hesho Arthur walow ay heshiis 72.5 Milyan u dhigmayay kaga qaateen Barcelona sanadkii 2020.

Si kastaba, Sky Sports Italy ayaa sheegaya in Juventus aysan doonayn inay iska dirto Arthur ilaa ay bedelkiisa hesho waxaana ay Gunners ka dalbanayaan Thomas Partey inay ugu bedelaan.

Arsenal ayaa la fahamsan yahay inaysan doonayn inay iska dirto Partey waxaana ay taasi caqabad weyn ku noqonaysaa heshiis qabsooma.

Arsenal ayaa heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Arthur Melo oo la hadlay Arteta iyo agaasime Edu labadaba. 25 sano jirkaas ayaa keyd ka ah shaxda tababare Maxi Allegri waxaana uu ahaa mid aan saamayn weyn lahayn tan iyo markii uu Barca kaga yimid.

Arthur ayaa u furan heshiis kale oo ka caawiya inuu dib boos uga helo xulka Brazil kahor tartanka koobka aduunka ee sanadkan dhacaya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*