PSG Oo Dalab Ka Gudbisay Halbowlaha Chelsea Ee N’Golo Kante & Jawaabta Uu Siiyey

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa dalab ka gudbisay laacibka khadka dhexe uga ciyaara Chelsea iyo xulka Faransiiska ee N’Golo Kante, kaas oo ay doonayso inay kasoo qaadato Stamford Bridge xilli xaaladda Blues ay adag tahay.

Tababare Mauricio Pochettino ayaa doonayay in uu helo N’Golo Kante qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkan, waxaanu xidhiidh la sameeyey kubbad-burburiyahan bishii January si uu iskugu dayo inuu kasoo afduubto Chelsea.

Laakiin laacibkan ku guuleystay koobka Adduunka ayaa la sheegay, in dalabka oo gaadhay bishii January uu ka gaabsaday, isaga oo ku wargeliyey PSG, in uu ku faraxsan yahay nolosha Chelsea oo sannadkii 2016 uu kaga soo biiray Leicester City kaddib markii uu kula guuleystay horyaalka Premier  League.

Wargeyska Le Parisien ee kasoo baxa magaalada Paris ee caasimadda Faransiiska ayaa xaqiijiyey, in PSG ay dalabkeeda gaadhsiisay N’Golo Kante horraantii sannadkan, balse aanay xataa helin jawaab rasmi ah oo uu soo bixiyey laacibkan, marka laga yimaaddo warar si hoose looga soo dusiyey oo uu ku sheegay in qorshihiisu yahay inuu sii joogo magaalada London.

N’Golo qandaraaskiisa Chelsea uu ka  hadhsan yahay hal sano oo kaliya ayay ka xidhantay fursaddii uu heshiis cusub ugu saxeexi lahaa Chelsea  kaddib markii dawladda UK ay xayiraad kusoo rogtay kooxdan, waxaanay taasi fursad siinaysaa PSG oo si aad ah u raadinaysa ciyaartoy khadka dhexe ee dambe ka dheela.

Thomas Tuchel ayaa rajaynaya in dhibaatada ay ku jirto kooxdiisu ay dhamaan doonto ka hor inta aan la gaadhin suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, isla markaana ay awoodi doonto inay sii haysato N’Golo Kante iyo ciyaaryahannada kale ee qandaraasyadoodu dhamaadka ku dhow yihiin, inkasta oo ay muuqato in ay luminayaan Andreas Christensen, Cesar Azpilicueta iyo Antonio Rudiger oo si xor ah uga tegi doona xagaaga.

Kante ayaa Chelsea ku guuleystay laba horyaal oo Premier League ah, FA Cup, Champions League, Europa League iyo Club World Cup tan iyo markii uu yimid England sannadkii 2015 oo uu ku biiray Leicester City oo markii uu la qaaday horyaalka Premier League uu usii dhaafay Chelsea oo uu guulihiisa kasii watay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*