Portugal Oo Laba Daqiiqadood Kaga Takhalustay Xulkii Ugu Dambeeyey Ee Afrika Guusha Ka Sugaysay

Xulka qaranka Portugal ayaa 3-2 ku karbaashay Ghana oo ahayd dalkii ugu danbeeyey ee ay qaaradda Afrika ka sugaysay inay guul ka keenaan kulamada koowaad ee wareegga group-yada Koobka Adduunka, iyadoo afartii dal ee kale laba ka mid ah laga badiyey, labada kalena ay barbarro galeen.

Cristiano Ronaldo ayaa rikoodhe ku furay goolasha xulka qaranka Portugal, hase yeeshee Ghana ayaa jawaab degdeg ah ka bixisay oo siddeed daqiiqadood gudahood ku keentay goolka barbarraha oo uu u saxeexay Andrew Ayew.

Ghana ayaa ka seexatay difaaca oo samaysay laba qalad oo waaweyn oo laba daqiiqadood oo isku xiga, waxaanay ogolaadeen in Joao Felix uu si fudud ku helo kubbad uu goolhayaha ka dul-qaaday ka hor intii aanu Rafael Leao goolka saddexaad saxeexin iyadoo aan wali dabbaal-degga goolka horeba si fiican looga soo noqon.

Ciyaartan oo qaybteedii hore ay ku dhamaatay barbarro goolal la’aan ah laakiin uu Cristiano Ronaldo khasaariyey kubbad uu ula tegay goolhaye Lawrence Ati Zigi oo uu awoodi kari waayey inuu dhaafiyo.

Xulka qaranka Portugal ayaa laga diiday gool uu Ronaldo u dhaliyey daqiiqaddii 31aad, markaas oo uu garsooruhu ku adkaystay in uu Cristiano dhabarka ka riixay Djiku markii uu kubadda ka xoogayay ka hor intii aanu kubadda weydaarin goolhaye Ati-Zigi.

Daqiiqaddii 64aad ayaa rikoodhe lagu abaal-mariyey Cristiano Ronaldo oo uu difaaca dhexe ee reer Ghana ee Salisu ku riday xerada ganaaxa, taas oo uu garsooraha ciyaartuna markiiba tilmaamay iyadoo aanu wax shaki ah gelin.

Ronaldo ayaa gool u beddelay rikoodhaha isaga oo darbad xooggan ku toogtay dhinaca midig ee goolhaye Zigi oo isaguna raacay balse aan wax fursad ah u helin in uu joojiyo kubaddaas, waxaanay ciyaartu noqotay 1-0.

Siddeed daqiiqadood ayay ku qaadatay Ghana in ay keensato goolka barbarraha, waxaana kubbad uu Kudus ka keenay dhinaca bidix oo uu ka dhax saaray labada lugood ee difaaca Portugal ee Pereira uu goolka hor dhigay Andrew Ayew oo isaguna si xarrago leh u dhamaystiray, waxaanay ciyaartu noqotay 1-1.

Tababaraha xulka qaranka Ghana ayaa isku dayay inuu firfircoonaysiiyo ciyaartoydiisa, waxaanu saaray laacibka goolka u dhaliyey ee Ayew iyo Kudus oo garoonka ka baxay daqiiqaddii 76aad.

Iyaga oo aan kursigaba fadhiisanin ciyaartoyda ka baxday Ghana ayaa waxay arkeen iyadoo uu Joao Felix dabbaal-degayo oo uu gool degdeg ah ka dhaliyey. Kubbad ay qalad weyn sameeyeen difaaca Ghana ayaa uu Felix ka helay dhinaca midig, waxaana uu la galay xerada ganaaxa isaga oo ka dul-qaaday goolhayaha oo kusoo baxay, waxaanay ciyaartu noqotay 2-1.

Goolkan ayaa dhashay daqiiqaddii 78aad ee ciyaarta, waxaanay Portugal ugu dabbaal-dageen sidii midkii furaha u noqonayay guushooda kulanka, maadaama ay ku adkayd in ay jabiyaan difaaca Ghana ee feejignaanta ku jiray qaybtii hore.

GOALLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLLL!!!!!!!! LEAO!!!!! Xulka qaranka Portugal ayaa sii dheeraystay hoggaanka ciyaarta, waxaana gool saddexaad u dhaliyey Rafael Leao oo ay difaacyahannada Ghana siiyeen fursad uu shabaqooda ku taabto, iyadoo aanay laba daqiiqadoodba kasoo wareegin goolkii hore ee Felix.

Labada gool ee Portugal ee dambe ayaa waxa u dhaxeeyey kaliya hal daqiiqo iyo badh, waxaanay sidaas niyadda ku gashadeen in ay gaadheen natiijo aanay u baqayn oo aan laga daba iman karayn.

Cristiano Ronaldo ayaa kubbad uu Cancelo u dhaafiyey difaacyahannada waxa uu ula tegay goolhayaha oo uu isku dayay inuu ka dul-qaado, balse Ati-Zigi ayaa gacanta sare u taagay oo ka badbaadiyey. Garsooraha ayaa iskudayga Ronaldo ku tilmaamay offside.

Ghana ayaa keensatay gool labaad daqiiqaddii 89aad, waxaana u saxeexay laacibka beddelka kusoo galay ee Bukari, hase yeeshee waxay awoodi waayeen inay raaciyaan wax gool ah oo kale, ciyaartuna waxay kusoo dhamaatay 3-2 ay guushu ku raacday Portugal.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*