Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester City ee Pep Guardiola ayaa u sheegay horyaalka Spain in ay ku daydaan horyaalka Ingiriiska ee Premier League, kaddib toddobaad fadeexado ah oo ay is-raaceen cunsuriyad lagu sameeyey Vinicius Junior iyo aaladda goolka sheegta ee ‘Goal Line Technology’ oo meesha laga saaray.
Pep Guardiola oo la hadlayay sxaafadda ayaa waxa la weydiiyey hadalkii kasoo yeedhay Vinicius Junior ee ahaa in Spain ay iska leeyihiin cunsuriyiin, waxaana uu ku jawaabay in loo baahan yahay in LaLiga ay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah si meesha looga saaro cunsuriyadda.
Waxa kale oo uu Guardiola sheegay, in loo baahn yahay in Spain ay dib ugu noqoto maalmihii madoobaa ee Ingiriisku dagaalka adag uu qaaday ee 1980-meeyadii oo ay meesha ka saareen faquuqii weynaa.
“Dabcan cunsuriyaddu waa dhibaato ka jirta meel kasta, kaliya ma aha meel cayiman. Meel kasta waxa jooga dad ku fikiraya inay ka wanaagsan yihiin deriskeena, in aynu innagu ka wanaagsannahay kuwa kale, waa dhamaan jiilasha meel kasta.” Ayuu yidhi Guardiola.
Waxa uu intaa ku daray: “Spain waa in ay tusaale ka dhigtaan Ingiriiska, waa in ay sdaas oo kale ula dagaallamaan cunusuriyadda.”
Be the first to comment